Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Talyaaniga, kaasi oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Mudane Matteo Piantedosi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo xuduudaha iyo sidii labada dal ay u sii ambaqaadi lahaayeen wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee danaha guud ku dhisan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka qotada dheer ee kala dhexeeya Talyaaniga, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu laf-dhabar u yahay dadaallada dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasilloonida iyo horumarka dalka.












