Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loogu maamuusayay 66-guuradii ka soo wareegtay markii gobollada koonfureed xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii labada gobol.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, iyo xubno ka tirsan Safaaradda ayaa ku soo dhaweeyay munaasabaddan Wakiilka Boqortooyada, ahna Duqa Magaalada Riyadh, Amiir Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayaaf, Agaasimaha Guud ee Waaxda Diblomaasiyiinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga, iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Sacuudiga.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay astaan u tahay xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu xusay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso horumar muuqda oo dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo koboca dhaqaalaha ah, isla markaana ay maanta leedahay fursado ballaaran oo maalgashi iyo ganacsi dhinacyada; beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, macdanta, dekedaha iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Dhankiisa, Wakiilka Boqortooyada, Amiir Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayaaf, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 66-guurada Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo.


















