Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wefdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa Axadda maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wefdiga Duqa Muqdisho oo isugu jira mas’uuliyiin heer federaal iyo heer gobol ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Guduud ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay soo dhawaynta ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil sare, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Safarka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa la xiriira ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo bishii la soo dhaafay lagu doortay Baydhaba.

Ka-qaybgalka munaasabaddan ayaa ka tarjumaya muhiimadda sii xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xiriirka dowladnimo ee ka dhexeeya Maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, taas oo saldhig u ah dardargelinta horumarka, adkaynta midnimada, iyo xoojinta dowlad-dhiska dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post
Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In