Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo ay weheliyaan wafdi Xildhibaano ah, ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb geli doona xafladda caleemo-saarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo maalmaha soo socda qabsoomi doonta.











