Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada New Delhi.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Danjiruhu waxa uu saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo ah aabbaha Amiirka hadda talada haya ee Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.
Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa ayaa tacsi iyo tiiraanyo u diray Dowladda Qatar, shacabka reer Qatar iyo qoyska Al Thani, isagoo adkeeyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.
Sidoo kale, wuxuu Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, Dowladda iyo shacabka Qatarna ka siiyo samir iyo iimaan buuxa.










