Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 hour ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta magaalada Islamabad kulan miro-dhal ah kula qaadatay Wasiirudowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tababarrada Xirfadaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Marwo Wajiha Qamar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, gaar ahaan horumarinta fursadaha waxbarasho ee gabdhaha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiir Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Wasiirudowlaha Pakistan soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal. Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta waxbarashada dadka naafada ah, iyagoo carrabka ku adkeeyey in waxbarasho loo siman yahay ay saldhig u tahay horumar bulsho oo waara.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

Kulanka ayaa sidoo kale si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo taageeridda barashada luqadda calaamadaha (Sign Language), si loo fududeeyo helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay, gaar ahaan dadka maqalka naafada ka ah. Wasiiradda ayaa xustay in Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ay mudnaan gaar ah siinayso siyaasadaha iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo waxbarashada iyo ka-qaybgalka bulshada ee dadka naafada ah.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada waxbarashada, tababarrada xirfadaha iyo horumarinta awoodda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo wax ku ool u ah labada dal.

Previous Post

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In