Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay Shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC), isagoo beesha caalamka u soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta bulshada, amniga, dowlad-dhiska iyo sareynta sharciga.

Khudbaddiisa, Wasiirku wuxuu iftiimiyay guulaha taariikhiga ah ee laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyeynta. Wuxuu xusay dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC Completion Point), qaadista cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ugu horreeyay muddo ka badan 50 sano, doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta deegaannadii laga saaray Al-Shabaab.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tubta hagaysa horumarka dalka, isla markaana uu saldhig u yahay u guurista horumar waara oo ku dhisan kobac dhaqaale, maalgashi iyo hoggaan hufan, iyadoo si tartiib tartiib ah looga gudbayo ku-tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay qorsheynta ku saleysan xogta, xoojinta nidaamka tirakoobka qaranka iyo horumarinta go’aan-qaadashada ku dhisan caddeymaha, kuwaas oo sare u qaaday dabagalka iyo qiimeynta horumarka laga gaarayo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).

Gabagabadii, Wasiirku wuxuu ugu baaqay saaxiibbada horumarinta inay sii xoojiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ballanqaadyadooda u beddelaan ficil muuqda oo lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashi dhab ah iyo maalgashi joogto ahi ay laf-dhabar u yihiin dardargelinta hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara iyo dhismaha Soomaaliya nabdoon, barwaaqo ah, isla markaana waarta.

Previous Post

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In