Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay Shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC), isagoo beesha caalamka u soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta bulshada, amniga, dowlad-dhiska iyo sareynta sharciga.

Khudbaddiisa, Wasiirku wuxuu iftiimiyay guulaha taariikhiga ah ee laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyeynta. Wuxuu xusay dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC Completion Point), qaadista cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ugu horreeyay muddo ka badan 50 sano, doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta deegaannadii laga saaray Al-Shabaab.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tubta hagaysa horumarka dalka, isla markaana uu saldhig u yahay u guurista horumar waara oo ku dhisan kobac dhaqaale, maalgashi iyo hoggaan hufan, iyadoo si tartiib tartiib ah looga gudbayo ku-tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay qorsheynta ku saleysan xogta, xoojinta nidaamka tirakoobka qaranka iyo horumarinta go’aan-qaadashada ku dhisan caddeymaha, kuwaas oo sare u qaaday dabagalka iyo qiimeynta horumarka laga gaarayo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).

Gabagabadii, Wasiirku wuxuu ugu baaqay saaxiibbada horumarinta inay sii xoojiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ballanqaadyadooda u beddelaan ficil muuqda oo lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashi dhab ah iyo maalgashi joogto ahi ay laf-dhabar u yihiin dardargelinta hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara iyo dhismaha Soomaaliya nabdoon, barwaaqo ah, isla markaana waarta.

Previous Post

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In