Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm, halkaas oo uu ku saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.
Safiirka waxaa si diirran u soo dhaweysay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Boqortooyada Sweden, Marwo Nadya bint Ahmed Al Shaibi.
Safiirka ayaa Dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida marxuumka, isagoo Alle uga baryay naxariis iyo janno, kana rajeeyay qoyska Amiirka iyo shacabka Qatar samir iyo iimaan.










