Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo burburin ah ka fuliyay deegaannada Lafa-gari, Xabala Afwaax, iyo deegaanno kale oo ku hareeraysan kana tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Hawlgalladan oo si qorsheysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa gudaha u galay goobihii ay kooxdaasi gabaadka ka dhigan jirtay, iyagoo burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay u adeegsanayeen abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.
Hawlgalladu waxay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta, kuna xoojinayaan amniga iyo xasilloonida deegaannada.
Taliska Kumaandooska Danab ayaa sheegay in hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga, difaaca shacabka, iyo xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.











