Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta, wejigiisa labaad (Women Peace and Protection Joint Programme – Phase II) oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka qayb galeen wakiillo ka socday hay’adaha UNDP iyo UNTMIS, Wasaaradaha dhigga ah ee Dowlad Goboleedyada, deeq-bixiyeyaasha, iyo xubno metelayay ururrada bulshada rayidka ah.

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in diiradda la saaro xoojinta hoggaaminta, isla xisaabtanka, iyo isku-duwidda habsami-u-socodka hirgelinta barnaamijka WPP-II.

Related posts

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026

Intii uu socday kulanka, waxaa la ansixiyay Xeer-nidaamiyaha shaqo (Terms of Reference) ee Guddiga Hagista, sidoo kale, waxaa la meel mariyay qorshaha guud ee shaqada barnaamijka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo qorshe-howleedka sanadka koowaad ee hirgelinta barnaamijkan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar ayaa madasha ku soo bandhigay qaab-dhismeedka iyo ujeeddooyinka barnaamijka WPP-II. Wuxuu xubnaha guddiga si qoto dheer ugu sharxay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin bixinta jihada istiraatiijiga ah iyo kormeerka hirgelinta. Wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu si buuxda ula jaanqaadayo mudnaanta qaranka, Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029 (NTP), iyo sidoo kale Ajendaha Qaramada Midoobay ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga (UNSCR 1325).

Dhinaca kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay laguna ansixiyay istaraatiijiyadda isgaarsiinta iyo xiriirka ee WPP-II. Qorshahan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo wacyigelinta bulshada, kor loogu qaado muuqaalka barnaamijka, isla markaana si dhab ah loo muujiyo doorka haweenku ay ku leeyihiin nabad-dhisidda, hoggaaminta, iyo ka qaybgalka geeddi-socodka go’aan qaadashada dalka.

Barnaamijka WPP-II oo socon doona muddo 24 bilood ah ayaa laga hirgelin doonaa Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland, Galmudug, iyo Waqooyi Bari Soomaaliya. Barnaamijkan oo maalgelintiisa ay bixiso Sanduuqa Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UN Somalia Joint Fund), waxaa si wada jir ah u fulinaya Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, UN Women, UNDP iyo UNTMIS.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa madasha uga faa’iideysatay inay mar kale dib u xaqiijiso in si dhab ah uga go’an tahay xoojinta ka qayb galka haweenka ee dhinacyada nabad-dhisidda iyo ilaalinta xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wasaaraddu waxay hoosta ka xarriiqday in ay sii wadi doonto hirgelinta qorshayaal qaran oo horseeda nabad waarta, dowladnimo loo dhan yahay, iyo horumar loo siman yahay.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Next Post

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Next Post
Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In