Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, magaalada Gaalkacyo.
Booqashada ayaa qayb ka ahayd kormeerka iyo qiimeynta howlaha ciidanka, iyadoo mas’uuliyiintu ay indha-indheyn ku sameeyeen xaaladda xarunta, diyaar-garowga ciidamada iyo howlaha ay ka wadaan deegaanka.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa saraakiisha iyo ciidamada kala hadlay muhiimadda ay leedahay diyaar-garowga joogtada ah, adkeynta isku-xirka ciidamada iyo gudashada waajibaadka qaran, gaar ahaan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Booqashadan ayaa sidoo kale fursad u ahayd madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka inay si dhow ula socdaan xaaladda iyo baahiyaha ciidamada ka howlgala deegaanka.
Saraakiisha Ururka 163-aad ayaa dhankooda soo bandhigay howlaha iyo waajibaadka ay ciidamadu ka wadaan deegaanka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran.










