Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha EAC, Maxamed Faatir, oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Kulan Gaar ah oo Golaha Wasiirrada EAC ku yeesheen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Kulanka ayaa looga hadlayay arrimaha degdegga ah ee la xiriira shaqaalaha hay’adaha iyo waaxyaha EAC, oo ay ka mid yihiin buuxinta jagooyinka muhiimka ah ee bannaan iyo xaqiijinta matalaad loo siman yahay oo ay helaan Dalalka Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Iyadoo la raacayo awaamiirta Golaha, Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay hesho 11 jago oo ka mid ah jagooyinka shaqaalaha ee hadda la tixgelinayo, taas oo xoojinaysa matalaadda Soomaaliya ee hay’adaha EAC iyo ka qaybqaadashadeeda geeddi socodka isdhexgalka gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa weli ka go’an horumarinta danaha Soomaaliya ee gudaha Bulshada Bariga Afrika, iyo xaqiijinta in xirfadlayaasha Soomaaliyeed ay si macno leh uga qaybqaataan hay’adaha EAC.











