Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 hour ago
in Wararka
0
Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 21-kii bishaan Agoosto laba weerar oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Daaru-nicma iyo Tawakal, halkaas oo ay ku dileen laba horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidamada Deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla duleedka deegaanka Daaru-nicma, halkaas oo lagu dilay horjooge Xasan Xuseen Xuurshow, oo loo yaqaanay Xasan Garabdheere.

Related posts

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026
Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026

Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee deegaannada Cadcaddeey, Cadaan-lexeey iyo Daaru-nicma, kuwaas oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyaadkii waardiyaha u ahaa horjoogaha, halka mid kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka lagu dhaawacay.

Sidoo kale, Ciidamada Deegaanka ayaa weerar ka fuliyay isla maalintaas deegaanka Tawakal, halkaas oo ay ku dileen horjooge kale oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faadhuud.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa Kacaanka Shacabka ee ka dhanka ah argagixisada, kaas oo sii xoogeysanaya, iyadoo Ciidamada Deegaanka ay door muuqda ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Previous Post

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 21-kii bishaan Agoosto laba weerar oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab...

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Deegaanka Hul-Caduur oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa wajahaya xaalad adag, kaddib markii Bacadku si weyn...

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In