Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa gaaray magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka XDS intaa Ka dib taliyaha ayaa Salaan sharaf Ka qaatay cutub Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed
So dhaweyn Ka dib taliyaha iyo Saraakiisha Socdaalka ku wehlineyse ayaa kulan gaar ah taliska Qeybta kula qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS ee Ka howlgalo Magaalada Beydhabo
Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa ku saleysan dadaallada lagu dardar-gelinayo howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo xoojinta howlaha ciidamada ee deegaannada Koonfur Galbeed somalia.











