Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kormeer iyo kuurgal ku sameeyay xaaladda ciidanka iyo howlaha ay ka hayaan deegaanka.
Taliyaha ayaa mid mid u booqday fariisimaha iyo goobaha ay Guutada 77-aad kaga sugan yihiin deegaanka Masagawaa iyo deegaannada ku xeeran, isagoo indha-indheeyay xaaladda ciidanka iyo habsami-u-socodka howlaha shaqo.
Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed ayaa sidoo kale warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo taliyeyaasha ururrada Guutada 77-aad ee ka howlgala deegaanka, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda amniga, howlaha ciidanka iyo adeegyada ay u hayaan bulshada ku nool deegaannada bariga Gobolka Galgaduud.
Kormeerka Taliyaha ayaa ku qotoma qiimeynta xaaladda ciidanka, kuurgalka howlaha ka socda deegaanka iyo hubinta diyaar-garowga ciidamada ee gudashada waajibaadka amni iyo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.










