Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
49 minutes ago
in Wararka
0
DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO ee Anshaxa Garaadka Macmalka, oo maanta ka furmay magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya.

Shirweynahan oo soconaya 14 ilaa 17 Sebtembar 2026, waxaa si wadajir ah u qabanqaabinaya UNESCO iyo Dowladda Sacuudi Carabiya, waxaana ka qaybgalaya dowlado, hay’ado caalami ah, khubaro, aqoonyahanno, wakiillo ka socda qaybaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah.

Related posts

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026

Hal-ku-dhegga shirweynaha sanadkan ayaa ah: “Transforming Global Cooperation for Ethical AI Governance” (Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka Anshaxa Leh ee Garaadka Macmalka ah), kaas oo xoogga saaraya xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo helo hannaan lagu maamulo Garaadka Macmalka ah oo ku dhisan mas’uuliyad, anshax iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama dalka uu ku jiro marxalad lagu horumarinayo siyaasadaha iyo sharciyada la xiriira isbeddelka dhijitaalka ah iyo Garaadka Macmalka ah.

Wasiir Axmed Diiriye ayaa sidoo kale ka qaybgalaya dood heer wasiirro ah, isagoo madasha ku soo bandhigaya muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee Garaadka Macmalka ah (AI) iyo doorka dowladuhu ku leeyihiin dejinta siyaasadaha iyo hannaan maamul oo hubinaya in AI loo adeegsado si mas’uuliyad iyo anshax leh.

Madashan ayaa sidoo kale ah markii ugu horreysay ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Anshaxa AI lagu qabto dal Carbeed, iyadoo Riyaadh ay martigelinayso wakiillo caalami ah iyo go’aan-qaadayaal ka kala socda dalal badan.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa fursad u siinaya inay la wadaagto khibraddeeda ku aaddan isbeddelka dhijitaalka ah, isla markaana ay ka faa’iidaysato aqoonta, iskaashiga iyo taageerada farsamo ee caalamiga ah ee ku saabsan maamulka iyo isticmaalka mas’uuliyadda leh ee Garaadka Macmalka ah.

Previous Post

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In