Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar 2026.
Munaasabadda sanadkan ayaa xambaarsan halkudhigga “Act Now for a Peaceful World”, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada, sidii xal waara loogu heli lahaa aanooyinka qabiilka ee kusoo noqnoqda gobolka, iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa xoojinta nabadda iyo xasilloonida.
Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin Maamulada Puntland iyo Galmudug heer Gobol iyo heer Degmo, Ururrada Bulshada, Haweenka, Odayaasha dhaqanka iyo Dhallinyarada.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si gaar ah xoogga loo saaray sidii xal waara looga gaari lahaa colaadaha iyo aanooyinka qabiilka ee kusoo noqnoqda Gobolka Mudug, iyo muhiimadda ay leedahay in bulshada oo dhan, gaar ahaan dhallinyaradu, ay si wadajir ah uga qaataan door muuqda ka hortagga colaadaha, xoojinta wada-noolaanshaha bulshada iyo dhismaha nabad waarta.
Munaasabadda waxaa soo agaasimay Peace and Peace and Development Forum (PDF), iyadoo ay taageereen United Nations Peacebuilding Fund (UNPBF), Life & Peace Institute (LPI), iyo Somali Peace Line (SPL).











