Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ay ku wada shaqeynayaan labada sano ee soo socota.
Heshiiska waxa uu diiradda saarayaa xoojinta awoodda Soomaaliya ee saadaalinta khataraha, diyaar-garowga, digniinta hore, tallaabada hore iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, si loo helo gurmad bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu taageerayaa xoojinta nidaamka maareynta khataraha musiibooyinka, sugnaanta Cunnada, taageerada bani’aadannimada iyo awoodda bulshada, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka loona ilaaliyo nolosha iyo nolol-maalmeedka dadka Soomaaliyeed.
Madaxa Hay’adda WFP Soomaaliya, Mr Hameed Nuru, ayaa sheegay in heshiisku uu xoojinayo iskaashiga labada dhinac, isla markaana uu gacan ka geysanayo dhismaha nidaamka maareynta musiibooyinka oo awood u leh in si degdeg ah looga jawaabo khataraha bani’aadannimo iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Ugu Danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle wuxuu sheegay in iskaashigu uu muhiim u yahay xoojinta diyaar-garowga qaranka iyo awoodda Hay’adaha Soomaaliyeed ee ka jawaabista musiibooyinka, iyadoo mudnaanta la siinayo digniinta hore iyo tallaabada hore, isagoo uga mahadceliyay WFP taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.











