Friday, May 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan oo Casho sharaf u samaysay Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur Siyaad ”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Barnaamijyada
0
Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 1
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Casho Sharaftan loo sameeyay Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur Siyaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo Xiligan Booqasho ku jooga Dalka Sudan ayaa waxa kasoo qayb galay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Sudan Mudane Maxamed C/laahi Ugaas, Safiirka Jabuuti ee Sudan, Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda aan walaaha nahay ee Sudan, Aqoonyahano Soomaali ah iyo Marti sharaf kale.

Sidoo kale waxa Casha sharafta Goob joog ka ahaa Diblumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo ay ka mid ahaayeen Lataliya Koowaad ee Safaaradda Mudane Ibraahin Guure Maxamed, Uqaybsanaha Dhanka Tacliinta Mudane C/qaadir Maxamuud Cali Guulane iyo Uqaybsaha Dhanka Warfaafinta Mudane Fiidow Maxamuud Fiidow.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026

Casha Sharaftan oo ay garab socotay Shahaado Gudoonsiin la gudoonsiinayay Dadkii gacanta ka geestay Soo dhawaynta Xildhibaanka ahna Maamulaha Jaamacadda Imaamu Shaafici ee xarunteeda tahay Magaalada Muqdisho ayaa waxa soo abaabulay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan.

Ugu horayn waxaa Munaasabadaas Safaaraddu u sameysay Xildhibaanka hadal Furitaan ah ka jeediyay Safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed C/laahi Ugaas isagoo aad ugu mahadnaqay Cid walba oo Gacan ka geesatay soo dhawaynta Xildhibaanka.

Waxa uuna Safiirka oo hadalkiisa sii wata Xildhibaanka si gaar ah ugu amaanay in uu yahay Nin gacan wayn ka geestay faafinta Diinta Islaamka maadaama aabaha Xildhibaanka uu ahaa Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo si wayn Soomaaliya looga yaqaano gaar ahaan Dariiqada Suufiyada.

Sidoo kale waxaa halkaas Qudbado kasoo jeediyay Mas’uuliyiin ka Socotay Jaamacadda Afrika ee Caalamiga ah, Jaamacadda Al-Qur’aan Al-kariim, iyo Culumo ka socotay Dariiqooyinka Suufida ee kala duwan ee Sudan ka jira.

Waxaana sidoo kale halkaas hadal kooban ka jeediyay Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad isaga oo aad ugu mahadnaqay Safaaradda Soomaaliya oo uu horkacayo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Sudan  Mudane Maxamed C/laahi Ugaas Faarax, ugana mahadnaqay sida uu qadarinta leh ee ula shaqeeyay intii uu Sudan booqashada ku joogay.

Ugu Dambeyntii waxaa halkaas Shahaado Sharaf lagu gudoonsiiyay Mas’uuliyiin ka socotay Culumada Suufida oo Munaasabadda goob joog ka ahaa, waxa ayna kusoo dhamaatay Jawi heer sare ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 1Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 1Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 3

 

Previous Post

Ma bannaantahay in lala dagaallamo dowladaha? Dhageyso

Next Post

Seddex Sano Kadib Dib U Howlgelinta Radio Muqdisho Maxuu Bulshada Kusoo Kordhiyey “Barnaamij Gaar Ah”Dhageyso

Next Post
RadioMogadishu_logo

Seddex Sano Kadib Dib U Howlgelinta Radio Muqdisho Maxuu Bulshada Kusoo Kordhiyey “Barnaamij Gaar Ah”Dhageyso

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In