Saturday, September 23, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan oo Casho sharaf u samaysay Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur Siyaad ”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 24, 2014
in Barnaamijyada
0
Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 1
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Casho Sharaftan loo sameeyay Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur Siyaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo Xiligan Booqasho ku jooga Dalka Sudan ayaa waxa kasoo qayb galay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Sudan Mudane Maxamed C/laahi Ugaas, Safiirka Jabuuti ee Sudan, Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda aan walaaha nahay ee Sudan, Aqoonyahano Soomaali ah iyo Marti sharaf kale.

Sidoo kale waxa Casha sharafta Goob joog ka ahaa Diblumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo ay ka mid ahaayeen Lataliya Koowaad ee Safaaradda Mudane Ibraahin Guure Maxamed, Uqaybsanaha Dhanka Tacliinta Mudane C/qaadir Maxamuud Cali Guulane iyo Uqaybsaha Dhanka Warfaafinta Mudane Fiidow Maxamuud Fiidow.

Related posts

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

April 20, 2023
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka

April 18, 2023

Casha Sharaftan oo ay garab socotay Shahaado Gudoonsiin la gudoonsiinayay Dadkii gacanta ka geestay Soo dhawaynta Xildhibaanka ahna Maamulaha Jaamacadda Imaamu Shaafici ee xarunteeda tahay Magaalada Muqdisho ayaa waxa soo abaabulay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan.

Ugu horayn waxaa Munaasabadaas Safaaraddu u sameysay Xildhibaanka hadal Furitaan ah ka jeediyay Safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed C/laahi Ugaas isagoo aad ugu mahadnaqay Cid walba oo Gacan ka geesatay soo dhawaynta Xildhibaanka.

Waxa uuna Safiirka oo hadalkiisa sii wata Xildhibaanka si gaar ah ugu amaanay in uu yahay Nin gacan wayn ka geestay faafinta Diinta Islaamka maadaama aabaha Xildhibaanka uu ahaa Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo si wayn Soomaaliya looga yaqaano gaar ahaan Dariiqada Suufiyada.

Sidoo kale waxaa halkaas Qudbado kasoo jeediyay Mas’uuliyiin ka Socotay Jaamacadda Afrika ee Caalamiga ah, Jaamacadda Al-Qur’aan Al-kariim, iyo Culumo ka socotay Dariiqooyinka Suufida ee kala duwan ee Sudan ka jira.

Waxaana sidoo kale halkaas hadal kooban ka jeediyay Xildhibaan C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad isaga oo aad ugu mahadnaqay Safaaradda Soomaaliya oo uu horkacayo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Sudan  Mudane Maxamed C/laahi Ugaas Faarax, ugana mahadnaqay sida uu qadarinta leh ee ula shaqeeyay intii uu Sudan booqashada ku joogay.

Ugu Dambeyntii waxaa halkaas Shahaado Sharaf lagu gudoonsiiyay Mas’uuliyiin ka socotay Culumada Suufida oo Munaasabadda goob joog ka ahaa, waxa ayna kusoo dhamaatay Jawi heer sare ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 1Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 1Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan 3

 

Previous Post

Ma bannaantahay in lala dagaallamo dowladaha? Dhageyso

Next Post

Seddex Sano Kadib Dib U Howlgelinta Radio Muqdisho Maxuu Bulshada Kusoo Kordhiyey “Barnaamij Gaar Ah”Dhageyso

Next Post
RadioMogadishu_logo

Seddex Sano Kadib Dib U Howlgelinta Radio Muqdisho Maxuu Bulshada Kusoo Kordhiyey “Barnaamij Gaar Ah”Dhageyso

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

September 23, 2023
0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish....

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

September 23, 2023
0

Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa...

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

September 23, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada...

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

September 21, 2023
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In