Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaabul ay shacabka kaga hortagayaan dhibaatooyinka Al-shabaab oo ku sii xoogaysanaya Sh/dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Abaabul ay shacabka kaga hortagayaan dhibaatooyinka Al-shabaab oo ku sii xoogaysanaya Sh/dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan degaanno hoos taga Degmada Mahadaay ayaa sheegaya in shacabka ku nool degaanadaasi ay dhibaato xooggan ku qabaan maleeshiyada Al-shabaab,taasi oo keentay in uu billowdo iska hor imaad u dhexeeya labada dhinac.

Arrintani ayaa soo ifbaxday kadib markii argagixisada Al-shabaab oo uu hoggaaminayo C/qaadir Dhiiga oo loo yaqaano Jacfar ay ammaro adag dul-dhigeen shacabka degaanadaasi oo ah in ay bixiyaan lacago  baad ah iyo in ay Hub u iibiyaan maleeshiyada Al-shabaab,kaasi oo ay doonayaan in ay u adeegsadaan dhibaataynt a bulshada.

Related posts

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026

Qaar kamid ah Dadka degaanka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in uu iska hor imaad dhexmaray Maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka degaanka, kadib markii shacabku ay ka soo horjeesteen go’aannada qaldan ee kaga imaanaya kooxaha Jid iyo Jaha diidka ee Alshabaab.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay isku duubni oo ay isaga difaacayaan dhibaatooyinka uga imaanaya argagixisada Alshabaab, iyadoo halkaasi lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Nabad-diidka Alshabaab.

“Shacabka ku nool nawaaxiga ku hareereysan Degmada Mahadaay ee ka kooban Xoolo Dhaqatada iyo Beeraleyda waxaan cabasho ka muujinaynaa  dhibaato ay nagu hayaan Alshaabab,dadkii shacabka ahaa iyo iyaga waa la iska hor yimid,xitaa waxaa jira in dhexdooda ay isku khilaafsan yihiin amarada qaldan oo ay shacabka duldhigeen,mana uu dulqaadan doono waan iska dhicinaynaa”. Sidaasina waxaa Waakalaadad SONNA u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Warar ay heshey Wakaaladad SONNA ayaa sheegaya in amarro iska soo hor jeeda ay ka soo baxeen horjoogayaal uu kamid yahay C/qaadir Dhiiga oo loo yaqaano (Jacfar ) ay sababeen iska hor imaad khasaare geystay uu dhexmaray labo maleeshiyo oo ka wada tirsan Alshabaab,waxaana la sheegay in ay dhexdooda iska gubeen gaadiid islamarkaana ay iska dileeen dhoor maleeshiyo.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay khilaafka u dhexeeya Alshabaab iyo shacabka,kadib markii dadku ay u adkeysan waayeen amarada qaldan oo lagu banaysanayo dhiiga iyo hantida Shacabka.

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo soo bandhigtay Tusaha Sicirka Badeecadaha

Next Post

Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Next Post
Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In