Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cali Baashi Maxamed oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa lagu sheegay in duqeyta 27.09.2016 ka dhacday bariga magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka islamarkaana lagu dilay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Gen Calibaashi wuxuu sheegay in taliska Xoogga Dalka Soomaaliya uu Caddeynayo in dadka ku dhintay duqeyntaasi aysan Xiriir la laheyn al shabaab, deeganadaasina aysan wax saameyn ah ku lehyn kooxdaasi, waxa halkaa ka dhacayna uu ahaa Shil ku dhacay si qaldan “Dab Saaxiibtinimo”,

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

“Dab Saaxiibtinimo ayuu ahaa Shilkaasi, Xiriir ayaan kala sameynay hay’adihii ay Qeyseysay arrintaasi, baaris ayaan ku sameynay, taliskuna wuxuu caddeynayaa in dadkii masaakiinta ahaa iyo ciidamada lagu laayay duqeyntaasi aysan wax lug ah ku laheyn Al-shabaab, deegaankaasina aysan shabaab joogin” ayuu yiri Gen Calibaashi.

Abaanduulaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in shilkaasi uu ahaa mid dhibaato xoog leh ay kasoo gaartay dadka deegaanka uuna sababay qaasaare naf iyo maalba leh, ciidamada waxyeellada ba’an uu gaarayna ay deegaankaasi ka wadeen howlo samafal ah.

Ugu dambeyntii taliska Xoogga dalka ayaa  ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay isdajiyaan, ariintaasina gacanta lagu hayo meelna aysan uga haridoonin, xanuunkana ay la qeybsanayaan ehllada iyo qoysaska dadka sida xaqdarada ah loogu Xasuuqay Duqeynta ay Mareykanku ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo.

Previous Post

R/wasaare Cumar oo kormeer ku tagay Dekadda iyo Garoonka Boosaaso+Sawirro

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar u Soo Xirtay Diblomaasiyiin – SAWIRRO

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar u Soo Xirtay Diblomaasiyiin – SAWIRRO

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar u Soo Xirtay Diblomaasiyiin - SAWIRRO

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In