Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaanduulaha qeybta 21-aad ee ciidanka XDS oo ka warbixiyay howlgallada ciidanka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Abaanduulaha qeybta 21-aad ee ciidanka XDS oo ka warbixiyay howlgallada ciidanka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaanduulaha qeybta 21-aad ee ciidanka XDS Col cirro oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallada ay ciidamada XDS gaar ahaan qeybta 21-aad ay ka wadaan goboollada dhexe ee dalka kuwaas oo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab.

G/sare C/llaahi Aadan Xuseen “Col Cirro” abaanduulaha qeybta 21-aad ee ciidanka XDS ayaa xusay in ciidamadu ay howlgallo ballaaran ka wadaan deegaanno ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, isagoo xusay in howlgalladaasi xooggooda ay ka socdaan bariga gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ka mid ah Mudug iyo Hiiraan.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026

Wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka Shabaab ay ciidamadu ka xoreeyeen deegaanno muhiim ah oo ay dadka ku dhibaateeyn jireen islamarkaana ay ku soo celiyeen ammaanki iyo kala dambeynti.

Abaanduulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in howlgalladu ay sii socon doonaan tan iyo inta maleeshiyaadka Shabaab laga sifeeynayo dalka oo dhan, si dalka looga dhigo meel nabad ah oo ka caaggan argagixisada.

Dhinaca kale Abaanduulaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay ku guuleeysteen iney ka hortagaan dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Gaduud, isagoo tibaaxay in ciidamada XDS aysan u dulqaadan doonin fal kasta oo ka dhan ah nabadgelyada sida dagaalbeeleedyada.

Col Cirro ayaa ku boorriyay dhalinyarada la marin habaabiyay ee weli ka sii mid ah maleeshiyaadka Shabaab iney ka faa’iideystaan cafiski uu u fidiyay madaxweynaha dalka, ayna isaga soo baxaan argagixisada Shabaab si ay dib ula midoobaan qoysaskooda.

unnamed-84 bulxan

unnamed-75

unnamed-103

 

 

Previous Post

Weerar lagu dilay wadaad masiixi ah oo ka dhacay dalka Faransiiska+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo cayaartooyda Puntland guddoonsiiyay koobkii gobollada “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo cayaartooyda Puntland guddoonsiiyay koobkii gobollada “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo cayaartooyda Puntland guddoonsiiyay koobkii gobollada "SAWIRRO"

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In