Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaaraha xooggan ee ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya aayaa haatan maraya heerkii ugu adkaa sida ay sheegeen Qaramada midoobay iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Goobaha ay haatan sida ba’an ugu habsatay abaartu lagana soo sheegayo macaluul ayaa waxaa ka mid ah gobollada degaanno ka tirsan maamullada Jubbaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle Galmudug iyo qeybo ka mid ah Puntland.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md; Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo bilihii ugu dambeeyay waday safarro la xiriira u kuurgalka abaaraha dalka ayaa sheegay in xaaladdu ay marayso heerarkii ugu xumaa loona baahan yahay gurmad deg-deg ah.

Xil; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dabayaaqadii Todobaadkan booqday xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay jiraan dad u badan carruur, haween iyo da’ aad u jilicsan, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuu ayaa horay safarro u kuurgal ah ugu tagay barakacayaal ku jira xeryo ku yaalla inta badan maamullada uu dalku ka kooban yahay, isagoo sheegay inay heerka baahidu tahay mid aad u daran, macaluulna ay ka jirto degaannada qaar.

Maaulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale dhowaan sheegay inay degaanno hor leh oo ka tirsan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ay ku fidday abaartu, wuxuuna maamulku sheegay inay jiraan xeryo barakac cusub ah oo haatan ka samaysmay duleeddada magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, kuwaas oo u baahan in gargaar lala gaaro.

Dhinaca kale, Kooxda Al-shabaab oo degaannada qaar ku haysey go’doomin ayaa haatan billaabay inay aasaan Ceelasha biyaha ee ay ku noolaayeen dadka ku dhaqan dhulka miyiga, iyagoo gubay Tuulooyin badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan, taas oo kasii dartay xaaladda guud ee abaarta ka jirta dalka.

Abaarta haatan ka jirta Soomaaliya oo ay sababeen dhowr xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in, fatahaado soo laalaabtay iyo Ayax baabi’iyay dalagyadii la tacbaday, colaado iyo sicir barar ayaa ah mid saamaynteedu ay kusii fideyso degaanno hor leh.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Muqdisha ayaa sheegay dhowaan in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Dalka Uganda Oo Yeeshay Wada Hadallo Miradhal Ah

Next Post

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Next Post
Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

November 24, 2025
0

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

November 24, 2025
0

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In