Wednesday, July 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Deegaanka Bacaadweyn oo abaaro daran laga soo sheegayo“SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 27, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Deegaanka Bacaadweyn oo abaaro daran laga soo sheegayo“SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaaraha iyo biya yarida xiligaani ka taagan degmada bacaadweyne iyo deegaanada ku xeeran  ee ku yaala koofur bari Gobalka Mudug ayaa saameeyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool, iyadoo ay ku baxeen xoolo farbadan oo ay dhaqan jireen dadka halkaasi ku nool

Maxamed Axmed Aadan oo ka mid ah xoolo dhaqatada ay saameeynta ku yeesheen abaaraha ayaa uga waramay warbaahinta Qaranka dhibaatada kasoo gaartay abaarahaasi

Related posts

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

July 22, 2025
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

July 22, 2025

“Abaarahaani waa kuwo hadda ka hor aanan soo marin, aniga waxaa ii haray sida aad ujeedo waa toban neef, intii kale abaarta ayaa la tagtay, tobankaana haddii roob yimaado lama oga hadana carruurtii iyo iyagana biyo aan siiyo uma heli karo, badar aan carruurta u kariyana ma hayo wax ilaaheey inuu naga qaado aan ka baryeeyno ayaa na haya”.

Maamulka, waxgaradka, culuma’udiinka iyo ganacsatada degmada Bacaadweyne ayaa walaac xoogan ka muujiyay saameeynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka iyo duunyada, halkaasi ku nool, iyagoo dhanka kalena uga mahadceliyay gurmad isugu jira biya dhaamin iyo raashin qeybin uu dadka ay abaaruhu saameeyeen u sameeyay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Jeylaani Cali Kadiye.

Axmed Daahir Guddoomiyaha Bacaadweyne ayaa ugu horeyn ka hadlay abaarahaasi waxaana uu yiri “Sida xaqiiqada meeshaan waxaa ka jira abaar saameeysay dadka iyo duunyada, ayadoo aysan jirin wax ceelal biyood ah, oo uu leeyahay deegaankan 175km oo aan laheeyn wax ceel ah, waad garaneeysaan xaaladeeda dadkaas oo ildarnaa biyo la’aan iyo raashin la aan ayaa waxaa usoo gurmaday ilaa hadda ganacsade soomaaliyeed oo lagu magcaabo Jeylaani Cali Kadiye waana uga mahad celi neynaa

Maxamed Axmed Cali Xoghayaha maaulka degmada  bacaadweyne  ayaa isna dhankiisa uga mahad celiayay ganacsade Jeylaani Cali Kadiye gurmadka samafalka waxaana uu yiri “Waxaan u hambalyeeynaynaa una mahadcelineeynaa walaalkeen jeylaani cali kadiye oo maanta usoo gurmaday dadkaan oo xaaladoodu ay mareeyso meel xun soona gaarsiiyay deeq lama filaan ah umad badan baa dib jir aheeyd dabkuna kaseexday xoolihiina dhaafeen boqalkiib atodobaatana xolihii weey tageen sodanka ka hartayna biyo la aan baa u ciribtireeysa”

Bashiir Cali Dhoore oo isna ku hadlayay magaca  Ganacsatada ayaa ka warbixiyay sida maamulka Galmudug iyo hay addaha gobalka mudug ka shaqeeya ay uga gaabiyeen wax u qabashada bulshada dagmada bacaadweyne iyo deegaanada hoostaga

“Degmadaan Bacaadweyne waxaa hoostaga 17 tuulo, waxa ceel ahna ma lahan 170 km u dhaxeeysa badda iyo qeydaro waxaan cabasho ujeedineeynaa maamulka galmudug iyo hay addaha ka howlgala gobalka mudug oo aan leenahay dadkaan usoo gurmada maa intii galmudug la aas aasy waan ka hadleynay arinta ceelka lkn ma jirto ilaa hadda cid wax u qabatay” ayuu yiri ganacsade bashiir cali dhoore

Dagmada bacaadweyne iyo deeganada hoostaga ayaa wali aysan ka da’in roobabka Gu’ga kuwaasi oo haatan ka da’ay deegaano fara badan oo ka tirsan gobalda dalka

vlcsnap-2016-04-27-12h19m34s142 vlcsnap-2016-04-27-12h19m44s8 vlcsnap-2016-04-27-12h19m54s90 vlcsnap-2016-04-27-12h20m05s189 vlcsnap-2016-04-27-12h20m14s21 vlcsnap-2016-04-27-12h20m39s41 vlcsnap-2016-04-27-12h20m46s109 vlcsnap-2016-04-27-12h20m53s181 vlcsnap-2016-04-27-12h20m53s181_1 vlcsnap-2016-04-27-12h21m00s248  vlcsnap-2016-04-27-12h21m13s127  vlcsnap-2016-04-27-12h21m32s68 vlcsnap-2016-04-27-12h21m42s162 vlcsnap-2016-04-27-12h22m19s1 vlcsnap-2016-04-27-12h22m48s44 vlcsnap-2016-04-27-12h23m23s133 vlcsnap-2016-04-27-12h23m37s5

W/D =Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

Previous Post

Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

Wasiirka Amniga Guddaha oo warbixin ka dhageystay saraakiish Booliska K/Galbeed.

July 22, 2025
0

Wasiirka Amniga Guddaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka dhageystay Saraakiisha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo sheegay in ay taageerayaan cid kasta oo maalgashanaysa horumarinta dhaqaalaha badda

July 22, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaaliyeed iyo...

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

July 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen...

Ra’iisulwasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”

Ra’iisulwasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya”

July 22, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In