Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

AC Milan oo Laga Badiyay iyo Kooxaha Napoli,Sampdoria,Fiorentina iyo Atalanta oo Guulo Gaaray

January 18, 2015
in Ciyaaraha
0
AC Milan oo Laga Badiyay iyo Kooxaha Napoli,Sampdoria,Fiorentina iyo Atalanta oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Lazio ayaa waxaa galabta garoonkeeda Olimpico Stadium 0-1 uga badiyay kooxda Napoli.

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Napoli.

Related posts

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

March 31, 2022
Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

December 27, 2021

Kooxda Napoli ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 33-dhibcood,halka kooxda Lazio ay u dhaadhacay kaalinta shanaad,iyadoo leh 31-dhibcood.

Kooxda Parma ayaa waxaa garoonkeeda Ennio Tardini 0-2 uga badisay kooxda Sampdoria.

Kooxda Sampdoria ayaa waxaa qeybtii danbe ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Gonzalo Bergessio iyo Roberto Soriano.

Kooxda Sampdoria ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 33-dhibcood,halka kooxda Parma ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hoooseya.

Kooxda ChievoVerona ayaa waxaa garoonkeeda Bentegodi 1-2 uga badiyay kooxda Fiorentina.
Kooxda Fiorentina ayaa goolka la hor martay,waxaana qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Gonzalo Rodriguez.
Ciyaaryahan Sergio Pellisier ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda ChievoVerona.
Ciyaaryahan Khouma Babacar ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Fiorentina.

Kooxda Fiorentina ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 30-dhibcood,halka kooxda Parma ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Genoa ayaa garoonkeeda Stadio Luigi Ferraris barbardhac 3-3 ah kula gashay kooxda Sassuolo.

Ciyaaryahan Domenico Berardi ayaa labo kamid ah goolasha oo mid ka mid kamid ah uu rigore ahaa u dhaliyay kooxda Sassuolo,halka goolka sedaxaad uu u dhaliyay ciyaaryahan Simone Missiroli.

Ciyaaryahan Ioannis Fetfatzidis ayaa labo kamid ah goolasha oo mid kamid ah uu rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Genoa,halka goolka sedaxaad uu u dhaliyay ciyaaryahan Iago Falque.

Kooxda Genoa ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 28-dhibcood,halka kooxda Sassuolo ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 25-dhibcood.

Kooxda AC Milan ayaa waxaa garoonkeeda San Siro 0-1 uga badiyay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan German Denis ayaa qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Atalanta.

Kooxda AC Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 20-dhibcood.

Previous Post

Real Madrid oo Ka Badisay Kooxda Getafe iyo Ronaldo oo rikoor Cusub Dhigay “Sawirro”

Next Post

West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

Next Post
West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

July 5, 2022
0

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb galay meertada...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

July 5, 2022
0

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo ay ku baratamayeen musharixiin u taagan Xilalka Guddoomiyaha, Gudoomiye ku...

Xoghayaha cusub ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay.

Xoghayaha cusub ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay.

July 5, 2022
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska...

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

July 5, 2022
0

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In