Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

AC Milan oo Laga Badiyay iyo Kooxaha Napoli,Sampdoria,Fiorentina iyo Atalanta oo Guulo Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
AC Milan oo Laga Badiyay iyo Kooxaha Napoli,Sampdoria,Fiorentina iyo Atalanta oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Lazio ayaa waxaa galabta garoonkeeda Olimpico Stadium 0-1 uga badiyay kooxda Napoli.

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Napoli.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Napoli ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 33-dhibcood,halka kooxda Lazio ay u dhaadhacay kaalinta shanaad,iyadoo leh 31-dhibcood.

Kooxda Parma ayaa waxaa garoonkeeda Ennio Tardini 0-2 uga badisay kooxda Sampdoria.

Kooxda Sampdoria ayaa waxaa qeybtii danbe ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Gonzalo Bergessio iyo Roberto Soriano.

Kooxda Sampdoria ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 33-dhibcood,halka kooxda Parma ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hoooseya.

Kooxda ChievoVerona ayaa waxaa garoonkeeda Bentegodi 1-2 uga badiyay kooxda Fiorentina.
Kooxda Fiorentina ayaa goolka la hor martay,waxaana qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Gonzalo Rodriguez.
Ciyaaryahan Sergio Pellisier ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda ChievoVerona.
Ciyaaryahan Khouma Babacar ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Fiorentina.

Kooxda Fiorentina ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 30-dhibcood,halka kooxda Parma ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Genoa ayaa garoonkeeda Stadio Luigi Ferraris barbardhac 3-3 ah kula gashay kooxda Sassuolo.

Ciyaaryahan Domenico Berardi ayaa labo kamid ah goolasha oo mid ka mid kamid ah uu rigore ahaa u dhaliyay kooxda Sassuolo,halka goolka sedaxaad uu u dhaliyay ciyaaryahan Simone Missiroli.

Ciyaaryahan Ioannis Fetfatzidis ayaa labo kamid ah goolasha oo mid kamid ah uu rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Genoa,halka goolka sedaxaad uu u dhaliyay ciyaaryahan Iago Falque.

Kooxda Genoa ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 28-dhibcood,halka kooxda Sassuolo ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 25-dhibcood.

Kooxda AC Milan ayaa waxaa garoonkeeda San Siro 0-1 uga badiyay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan German Denis ayaa qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Atalanta.

Kooxda AC Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 20-dhibcood.

Previous Post

Real Madrid oo Ka Badisay Kooxda Getafe iyo Ronaldo oo rikoor Cusub Dhigay “Sawirro”

Next Post

West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

Next Post
West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

February 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In