Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Afhayeenka Aqalka Cad  oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

admin by admin
8 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Afhayeenka Aqalka Cad  oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

A view of the North Portico of the White House, Wednesday June 14, 2017 in Washington D.C. (Official White House Photo by Joyce N. Boghosian)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
A view of the North Portico of the White House, Wednesday June 14, 2017 in Washington D.C. (Official White House Photo by Joyce N. Boghosian)

Afhayeen u hadashay aqalka cad ayaa diidday inay sheegto goorta uu madaxweynuhu ogaa lacago Mr Cohen uu laba qof oo dumar ah siiyey, intii uu socday ololaha doorashada ee 2016, kuwaasoo sheegay in xiriir uu dhex maray ayaga iyo Mr Trump.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Qiraalkiisa dambiga ee Talaadadii ayuu Mr Cohen ku sheegay inuu Mr Trump faray inuu lacagta bixiyo, ayadoo ujeedada ugu weynna ay ahayd in saamayn lagu yeesho doorashada.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Mr Cohen inuu abuurayo sheekooyin, si loogu xukumo xukun xoogaa yara khafiif ah.Aqalka cad ayaa ku adkaystay in qirashada qareenkii hore ee DonaldTrump, Michael Cohen, uu qirtay inuu jabiyey shuruucda xagga maaliyadda ee ololeyaasha doorashooyinka uusan micnaheedu ahayn in madaxweynuhu ku lug leeyahay.

Michael Cohen oo ahaa Qareenkii khaaska ahaa ee Donald Trump ayaa Talaadadii Maxkamada kahor qirtay danbiyo lagu soo eedeeyey oo la xariira jabinta sharuucda Federaalka Maraykanka, isagoo sheegay inuu hada diyaar u yahay inuu banaanka soo dhigo xogta qarsoon ee Madaxweyne Donald Trump.

Mr.Cohen oo horey u ahaan jiray Qareenka khaaska ah ee Donald Trump ayaa Salaasadii maxkamada New York ka qirtay dacwado dhawr ah oo lagu soo oogay oo ay ku jiraan 5 danbi oo la xariira jabinta sharuucda Canshuurta, lunsasho lacag iyo jabinta xeerka u yaal lacagaha ololaha doorashooyinka.

Michael Cohen ayaa qirtay in lacag uu siiyey haween horey xiriir qarsoodi ah ulla lahaa Trump kahor doorashadii 2016, si aysan u dhaawicin ololihii doorashada Madaxweyne Donald Trump.

Previous Post

Rasul wasaaraha Australia Mr Turnbull oo ay Xubno ka tirsan xisbigiisa  ka so horjeestay

Next Post

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Next Post
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In