Tuesday, November 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Afhayeenka Aqalka Cad  oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

admin by admin
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Afhayeenka Aqalka Cad  oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

A view of the North Portico of the White House, Wednesday June 14, 2017 in Washington D.C. (Official White House Photo by Joyce N. Boghosian)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
A view of the North Portico of the White House, Wednesday June 14, 2017 in Washington D.C. (Official White House Photo by Joyce N. Boghosian)

Afhayeen u hadashay aqalka cad ayaa diidday inay sheegto goorta uu madaxweynuhu ogaa lacago Mr Cohen uu laba qof oo dumar ah siiyey, intii uu socday ololaha doorashada ee 2016, kuwaasoo sheegay in xiriir uu dhex maray ayaga iyo Mr Trump.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025

Qiraalkiisa dambiga ee Talaadadii ayuu Mr Cohen ku sheegay inuu Mr Trump faray inuu lacagta bixiyo, ayadoo ujeedada ugu weynna ay ahayd in saamayn lagu yeesho doorashada.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Mr Cohen inuu abuurayo sheekooyin, si loogu xukumo xukun xoogaa yara khafiif ah.Aqalka cad ayaa ku adkaystay in qirashada qareenkii hore ee DonaldTrump, Michael Cohen, uu qirtay inuu jabiyey shuruucda xagga maaliyadda ee ololeyaasha doorashooyinka uusan micnaheedu ahayn in madaxweynuhu ku lug leeyahay.

Michael Cohen oo ahaa Qareenkii khaaska ahaa ee Donald Trump ayaa Talaadadii Maxkamada kahor qirtay danbiyo lagu soo eedeeyey oo la xariira jabinta sharuucda Federaalka Maraykanka, isagoo sheegay inuu hada diyaar u yahay inuu banaanka soo dhigo xogta qarsoon ee Madaxweyne Donald Trump.

Mr.Cohen oo horey u ahaan jiray Qareenka khaaska ah ee Donald Trump ayaa Salaasadii maxkamada New York ka qirtay dacwado dhawr ah oo lagu soo oogay oo ay ku jiraan 5 danbi oo la xariira jabinta sharuucda Canshuurta, lunsasho lacag iyo jabinta xeerka u yaal lacagaha ololaha doorashooyinka.

Michael Cohen ayaa qirtay in lacag uu siiyey haween horey xiriir qarsoodi ah ulla lahaa Trump kahor doorashadii 2016, si aysan u dhaawicin ololihii doorashada Madaxweyne Donald Trump.

 

Previous Post

Rasul wasaaraha Australia Mr Turnbull oo ay Xubno ka tirsan xisbigiisa  ka so horjeestay

Next Post

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Next Post
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran...

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025
0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse...

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In