Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afhayeenka gaashaandhiga oo ka hadlay bannaanbaxyada ka dhanka ah khawaarijta ee ka dhacay muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 months ago
in Wararka
0
Afhayeenka gaashaandhiga oo ka hadlay bannaanbaxyada ka dhanka ah khawaarijta ee ka dhacay muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan dibedbaxyada ka dhanka ah nabad-diidka ee lagu qabtay muqdisho iyo in ay shacabka ku nool caasimadda dareenkooda ka muujiyaan dhibaatada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku hayaan khawaarijta.

 

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Afhayeenka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay shacabka Soomaaliyeed garab istaagaan wiilashooda xaq u dirirka ah ee naftooda, maalkooda iyo dhiiggooda badbaadinayo, iyagoo ku dhiirraday in ay bannaanbax ku muujiyay dareenkooda.

 

Wuxuu sheegay afhayeenku in ay shacabku maanta ka baxeen xilligii ay ka baqi jireen wax ka sheegidda khawaarijta, balse dedaallo badan oo muujisay xukuumadda Dan-Qaran ay suurto gal noqotay in goob fagaaro ah laysugu yimaaddo lagana hadlo dhibaatada kooxda.

 

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay meesha ka baxday beentii ay shacabka ku qaldi jireen mar hadday arkeen in ay bulshadii kasoo jeedaan, taas oo guud ahaan ciidamada Qaranka u ah dhiirrigelin halka argagixisaduna ay u tahay dhabar jab.

Previous Post

Shacabka gobolka Hiiraan oo garab istaagay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Aboorreey

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait 

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait 

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In