Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Afrika Oo Ka Maqan Wareega 16-ka Koobka Aduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 30, 2018
in Ciyaaraha
0
Afrika Oo Ka Maqan Wareega 16-ka Koobka Aduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

                                     

Koobka aduunka ee ka socda dalka Ruushka qarada afrika waxaa ugu qayb qaadatay shan dal Nigeria Tunisia Masar Morocco iyo Sinigal dhamaan waxay dhaafi waayen wareega Group-yada waana markii ugu horeysay oo sidaasi oo kale ay u liitan dalalka afrika 36 sano kadib, Xiligaasi oo ay ugu danbeysay in dhamaan dalalka afrika ee koobka aduunka u matalaya ay ku haraan dhamaan wareega Group-yada.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

1982 ayaa ugu danbeysay in sidaasi oo kale ay ku dhacdo dalalka afrika ugu qayb qaata koobka aduunka 36 sano kadib ayeey kubada cagta afrika dib u laabatay xiligaasi wixii ka danbeyay hal dal ayaa u gudbayay wareega 16-ka hase yeeshe sanadkaan oo koobka uu marti gelinaayo Ruushka ayeeysan u suurta gelin dalalkii afrika matalayay in ay ka soo baxaan wareega hore ee tartanka.

Dalka Sinigal ayuu ahaa dalkii ciyaaray kulankii ugu danbeyay ee dhamaan dalalka afrika asigana waxaa uu ku haray Jaalleyaal kadib markii dhan kasta ay isaga mid noqdeen dalka Jaban hase yeeshe sida sharciga ah ayaa waxaa la xisaabiyay Jaalleyaasha labada dal balse Sinigal ayaa qaatay lix Jaalle halka Jaban uu qaatay afar sidaasi ayuuna ku haray dalkii ugu rajada fiicna dhamaan dalalkii afrika ugu qayb galay koobka aduunka.

Shanta dal ee afrika u mataleysay koobka aduunka waxay ciyareen 15 kulan toban waa laga adkaaday halka laba jeer ay barbaro heleen sadex jeerna ay guuleysteen.

Masar ayaa noqday dalka dhibcaha ugu yar Uruursaday dhamaan shanta dal ee afrika ugu qayb gashay koobka aduunka sanadkaan 2018 sadex kulan uu ciyaaray waxaa uu ku guuldareystay in kulan ka mid ah uu adkaado ama barbaro uu helo ayadoo ka qayb galka koobka uu baadi goob ugu jiray dalka masar 28-sano hase yeeshe waxaa uu ku guuldareystay in uu ka adkaado dalka Sacuudiga oo goolashii ugu badnaa laga dhaliyay labadii sano ee ugu danbeysay uu ka qayb galay.

Nigeria iyo Sinigal kulamadii ugu danbeyay oo ay ciyareen waxay ahayeen kuwa rajo ka qaba in ay u gudbaan waarega 16-ka ee tartanka waxaana ay ahayeen laba dal oo rajo fiican geliyay tageerayaasha qarada afrika waxaana waarega 16-ka ay ugu gudbi kareen in ay helaan barbaro hase yeeshe labaduba kuma guuleysan in ay 16-dal ee ciyaaraya wareega 16-ka ay ka mid noqdaan waxaana taasi ay ahayd naxdin kale oo la soo daristay kubada cagta qarada afrika 36 sano kadib xiligaasi oo ay ahayd markii ugu danbeysay oo qarada afrika laga waayo dal ka mid lix iyo tobanka dal ee ciyaaraya.

Morocco iyo Tunisa labadii kulan ee furitaanka waxay la kulmeen guuldarooyin balse kulankii ugu danbeyay oo ay ciyaaren ayeey muujiyeen dadaal waloow tartankii ay ka soo haaren, Morocco waxay 2-2 la gashay dalka spain oo ka mid ah dalalka koobka aduunka ku guuleystay halka Tunisia waxaa uu ka adkaaday dalka Panama ayadoo waliba uu ku guuldareystay in shabaqa uu ka difaacdo dalka Panama oo markii ugu horeysay koobka aduunka qayb qaadanaya waxaana uu ugu adkaaday 2-1 ayadoo uu kulankaasi ciyaarayay xili uu ka haray tartanka.

Masar 28-sano ayeey baadi goob ugu jirtay ka qayb galka koobka aduunka markii ugu horeysay oo ay ka soo muuqatay waxay ku guuldareysatay in ay kulan quraa ay adkaado sadex kulan oo Group-ka ah oo ay ciyaartay.

Morocco waxaa ugu danbeysay in koobka aduunka ay ciyaarto sanadkii 1998 kolkaasi oo koobka uu marti geliyay dalka Faransiiska hase yeeshe uma ciyaarin dal sugayay waqti fara badan ka qayb galka koobka aduunka.

Tunisia waxaa ugu danbeysay ka qayb galka koobka aduunka sanadkii 2006 xiligaasi uu marti geliyay dalka Jarmalka balse uma ciyaarin dalka intaasi ka qayb galka koobka aduunka uu ka maqnaa waxaana ay ku guul dareysatay In ay ka soo gudubto wareega Group-yada hal kulan oo quraa ayeeyna adkaatay sadex kulan oo ay ciyaaren waxaana uu ku guuldareystay in shabaqooda gool la,aan uu noqdo kulankii ugu danbeyay oo ay la ciyareen dalka Panama oo markii ugu horeysay koobka aduunka ka soo qayb galay.

Sinigal waxaa ugu danbeysay in uu ka soo muuqdo ka qayb galka koobka aduunka sanadkii 2002 xiligaasi oo lagu qabtay dalalka Korea iyo Jaban markii labaad oo uu ka soo qayb galay waxaa uu ku haray Jaallayaal kadib markii ay dhan kasta isaga mid ka noqdeen dalka Jaban waxaa lagu kala saaray sida sharciga qabo dhanka aqlaaqda lix Jaalle uu qaatay dalka Sinigal ayuu ugu haray tartankii uu sugayay lix iyo toban sano halka Jaban uu u gudbay wareega labaad ee tartanka kadib markii uu qaatay afar Jaalle.

Waqtigii ugu wacnaa oo soo mara qarada afrika dhanka guulaha ee koobka aduunka ayaa yimid sanadkii 2010 xiligaasi oo koobka lagu marti geliyay qarada afrika waxaana xulka qaranka Ghana uu noqday dalkii ugu horeyay ee afrikaan ah oo gaara wareega sideeda waxaana dhamaan tageerayaasha qarada afrika ay ku fikirayeen in dalka Ghana uu noqon doono dalkii ugu horeyay ee qarada afrika oo koobka ku guuleysto hase yeeshe rigooro loo dhigay daqiiqadihii ugu danbeyay kulankii sided dhamaadka sanadkii 2010 ayeey qasaariyeen waxaana sidaasi ay ku noqdeen dalkii ugu horeyay ee afrikaan ah halkaasi soo gaara.

Xidigo Fara badan oo u soo baxay ayeey sanadkaan ku haminayeen in meel halkaasi ka sareysa ay soo tiigsan doonan xidigahooda hase yeeshe waxay ku dhameysteen tageerayashii afrika murug iyo madax xanuun joogta ahaa shan iyo toban oo kulan oo ay soo ciyareen shantii dal ee qarada afrika ugu qayb galay koobka aduunka ee sanadkaan lagu qabtay dalka ruushka.

Sinigal ayuu ahaa dalkii ugu danbeyay ee u ilmeeyay ka harista koobka aduunka asigana waxaa uu ciyaarayay kubad aysan jecleysan dhamaan daawadayaashi daawanayay kulankaasi ee taagerayay waxaana ay la seexden madax xanuun iyo niyad jab kale.

Qof kasta oo wax ka yaqaana ciyaarista kubada cagta durbaba waa uu dareemi karay halka ay ku sii jeedo ama ay u danbeyn doonto natiijada kubada qarada afrika iyo dalalka u matalaya koobka aduunka balse intii aanan dareemin qaab ciyareedka qarada afrika ayaa madax xanuun la seexday in badan ayadoo waliba ay u soo dheered nijad jab xoogan oo ay u soo hooyen dhalinta ciyaarta kubada cagta qarada afrika kuwaasi oo haatan ku fikiraya in aysan kubada cagta qarada afrika dunida sidaa oo kale ay ka tahay hase yeeshe taasi waa fikrad qaldan oo ay isku sheegen.

Dalalka u soo gudbay wareega 16-ka ayaa waxaa ka mid dalka ruushka oo koobka marti gelinaya ayaa rajo ka qabo in uu garaaco xulka qaranka Spain oo koobka ku guuleystay sanadkii 2010 kaasi oo haysta qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida halka dalka ruushka qiimeynta horumarka kubada cagta ee Fifa uu ugu jiro kaalinta 70-aad.

Jaban waxaa uu la ciyaari doono dalka Belguim oo haysta xidigo aad u tayo sareeya waxaana uu doonaya dalka Jaban in markii ugu horeysay uu soo gaaro wareega sideeda halka dalka Switzerland oo markii ugu danbeysay wareega sideeda ay ahayd sanadkii 1954-tii uu la ciyaari doono dalka Sweden oo kaalinta sadexaad ku dhameystay sanadkii 1994-kii koobkii dunida ee lagu qabtay dalka mareykanka hadii aan idin xusuusiyo Sweden waa dalkii ka reebay Talyaaniga ka qayb galka koobka aduunka sanadkaan 2018.

Mexico waa in ay garaacda si ay u gaarto wareega sideeda xulka qaranka Brazil oo haysta koobka shan jeer ayadoo Mexico wareega sideeda ay ugu danbeysay 1986-kii xiligaasi oo tartanka ay marti gelisay.

Croatia waxay rajeynaysaa in ay gaarto wareega sideeda oo ay ugu danbeysay sanadkii 1998 xiligaasi oo ay ugu danbeysay in ay ka soo muuqato koobka aduunka waxaana ay la ciyaari doonto xulka qaranka Denmark.

Dalalka Soo Gaaray Wareega 16-ka

June 30 17:00  France vs Argentina

June 30 21:00 Uruguay vs Portugal

July 1 17:00    Spain vs Russia

July 1 21:00    Croatia vs Denmark

July 2  17:00   Brazil vs Mexico

July 2  21:00   Belgium vs Japan

July 3 17:00   Sweden vs Switzerland

July 3  17:00   England vs Colombia

 

Previous Post

Danjire Jamaaludiin “sii deynta Qalbi-dhax waa codsi ka yimid dowladda Soomaaliya”

Next Post

Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo faah faahiyay heshiisyo ay la soo saxiixdeen madaxda dalka Maroco+sawiro

Next Post
Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo faah faahiyay heshiisyo ay la soo saxiixdeen madaxda dalka Maroco+sawiro

Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo faah faahiyay heshiisyo ay la soo saxiixdeen madaxda dalka Maroco+sawiro

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In