Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha cusub Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha cusub Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka oo xilka la wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, masuuliyiin ka kala socotay hanti dhowrka Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo uu xilka kula wareegayey Agaasimaha cusub ee maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cabdullahi Salaad Xuseen, kaas oo dhawaan ku soo baxay tartan Daah-furan oo ay ka qeyb galeen Boqol Konton iyo Afar Qof.

Related posts

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 26, 2026

Ugu Horeyn Hanad Xasan oo kamida La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in booska uu kusoo baxay Agaaasimaha cusub ee maaliyadda Cabdullahi Salaad Xuseen uu ahaa mid uu tartan adag u galay, isla markaana ugu dambeyn uu ku guuleystay kadib qiimeyn dhinacyo badan oo ay sameeyeen gudigga qaadayey imtixaanka oo ka kobnaa qubarro kala duwan.

Agaasimii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda Maxamed Cabduqadir Xersi , Ayaa si qoto dheer uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, wuxuuna Agaasimaha cusub u rajeeyay inuu howsha halkeeda kasii wado oo uu laba jibaaro.

Agaasime ku-xigeenka Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdikariin Maxamed Xuseen Laari iyo Agaasimaha Maaliyadda ee Hanti dhowrka Qaranka Cumar Nuur ayaa bogaadiyay shaqada hufan ee ka socota Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ay hormuud u tahay Wasiir Fowziya Abiikar Nuur, waxayna xuseen In ay marqaati ka yihiin shaqadii hufneyd ee uu qabtay Agaasimiha xilka wareejiyay ee Maxamed Cabduqaadir Xersi iyagoo Agaasimaha cusubna u rajeeyay shaqo wacan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo munaasabadda soo xirtay ayaa Agaasimihii hore uga mahadcelisay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay, waxayna dhinaca kale Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda kula dardaarantay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday oo ay sheegtay inuu yahay mid dhib badan.

Previous Post

Saadaq John iyo Cabdullaahi Xersi oo la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimada “SAWIRRO”

Next Post

Dadka deegaanka Qaradhi oo kacabanaya abaar sameysay dadka iyo duunyada “SAWIRRO”

Next Post
Dadka deegaanka Qaradhi oo kacabanaya abaar sameysay dadka iyo duunyada “SAWIRRO”

Dadka deegaanka Qaradhi oo kacabanaya abaar sameysay dadka iyo duunyada "SAWIRRO"

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay buugga tacsida ee...

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

Drs Nasra oo faahfaahisay hal-ku-dhigga  maalinta Caalamiga ah caafimaadka Afka Iyo Ilkaha

March 26, 2026
0

Drs Nasra Cabdisamad ayaa si qoto dheer u sharaxday muhiimadda hal-ku-dhigga loo doortay sanadkan ee xuska Maalinta Caalamiga ah ee...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In