Sunday, September 24, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka qeybgalay shir ka dhacay Addis-ababa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 19, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka qaybgalay shir labadii maalmood ka socoday  magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaa soo maanta la soo gebagebeeyey loogana hadlayay horumarinta isgaarsiinta waddamada qaar ee Africa.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay’ad midowga Yurub u qaabilsan horumarinta Afrika oo saldhigeedu yahay magaalada Addis-ababa ayaa looga dooday laguna soo bandhigay horumarka waddamada Afrika ay ka gaareen dhinaca Isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan sida Internetka Xawliga ah(Broadband) Maamulid iyo Qorsheynta Hirarka (Spectrum and Frequency Management) iyo talaabooyinka looga baahanyahay waddamada Afrika inay qaadaan si Qaaraddu wax ula qaybsato waddamada hormaray gaar ahaan dhanka Isgaarsiinta.

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ka codsaday hay’adda shirka qabanqaabisay iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan Isgaarsiintu inay dalka Soomaaliya ka caawiyaan horumarinta sharciyada Isgaarsiinta.

Agaasimaha ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay wakiiladii ka socday Hay’adda Isgaarsiinta Afrika iyo Wakiildii ka kala socday dalka South Afrika, Kenya iyo Tanzaniya kana codsaday in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta laga caawiyo dhanka tababarada.

Shirkan ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah oo ay kamid tahay in waddanka Soomaaliya il gaar ah lagu fiiriyo lagana shaqeeyo sidii looga caawin lahaa horumarinta sharciyada Isgaarsiinta iyo taabagalinta qorshayaasha Isgaarsiinta Qaaradda.

ECA2 istaag

Previous Post

Mu’assasada Al-minhaaj ee Galdogob oo kulan u qabatay qurbajoogta ka soo jeeda deegaanadaasi (Sawiro)

Next Post

Isbitalkii deegaanka Godinlabe oo dib loo howlgaliyay”sawiro”

Next Post

Isbitalkii deegaanka Godinlabe oo dib loo howlgaliyay"sawiro"

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah, kuwaa oo kala ah:- 1. Xeerka...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023
0

Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga,...

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

September 24, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa soo xiray shir uu soo agaasimay Gobolka Banaadir...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

September 24, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden, ayaa Khudbad ka jeediyey Shir duceedka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In