Agaasimaha Guud ee Waaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay kormeerr ku tegeen xarumo caafimaad oo ah kuwa Hooyada iyo dhallaanka ee ku yaalla deegaannada Galmudug, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jirta xarumaha caafimaadka.
Dr Cabdiweli Maxamed Axmed Agaasimaha Guud ee Waaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in xarumaha caafimaad ee ay kormeerka ku tegeen ee ku yaala Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo, iyo Caabudwaaq ee Galmudug kula kulmeen dhakhaatiir iyo howlwadeenno caafimaad, kuwaasi oo ay ka dhageysteen baahiyaha gaarka ah ee ka jirta xarumahasi.
Agaasimaha ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay si dhaw ula socon doonaan xaaladaha goobaha caafimaadka, ayna gacan ka geysanayaan wax ka qabashada baahiyaha ka jirta, isagoo bogaadin u jeediyay howlwadeennada har iyo habeen u taagan u adeegidda bulshadooda.
Dr Cabdiweli Maxamed Axmed ayaa sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan socdaal ku tegaan degaanno kale oo ka tirsan Galmudug, si ay u soo qiimeeyaan heerka caafimaad ee xarumahaasi ka jirta.
Agaasimaha Guud ee Waaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Cabdiweli Maxamed Axmed ayaa ugu dambeyn shaaciyay inay jiraan xarumo gaar ah oo loogu tagalay dadka looga shakiyo xanuunka COVID-19, isagoo bogaadiyay howlwadeenada xarumaha caafimaadka deegaannada Galmudug ka howlgalla.