Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo xiray kulan ku saabsan Horumarinta Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo xiray kulan ku saabsan Horumarinta Caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guuleed Cabdijaliil ayaa soo xirey kulan looga hadlayey ansixinta Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Caafimaadka Taranka, Hooyada iyo Dhallaanka, ee 2023-2027 oo muddo sedax Cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa soo qaban qaabisey  Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Feferaalka Soomaaliye qeybteeda Caafimaadka Qoyska, waxaana kasoo qeybgaley Agaasimaal, xubno ka socday Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad goboleedyada, Dhakhaatiir, maamulada Isbitaalada Dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay Wakiilo ka socdey Hey’adaha Caalamiga ah ee taageera Caafimaadka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Related posts

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026

Kulankan oo socday muddo sedax cisho ah waxaana lagu lafagurey xaqiijinta Istaraatiijiyadda Caafimaadka taranka Hooyada iyo dhallaanka taas oo ah mid muhim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed iyadoo laga sii amba qaadayo geedigii horey usoo socday ee ay garwadeenka ka aheyd waaxda Caafimaadka qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socdey kulanka aqoon iswaydaarsiga ayaa lagu soo bandhigey daraasado iyo cilmi baarisyo kala duwan oo laga sameeyey taranka Hooyada iyo dhallaanka, iyadoo dhamaan daarsaduhu tilmaamayeen tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah xaqiijinta Istaraatiijiyadda 2023 ilaa Sanadka 2027.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qodobo waawayn oo qeyb ka ah gaarista yoolka cayiman ee ajandaha 2027 iyadoo loo marayo nuxurka kulanka ee ku qotama horumarinta Taranka Hooyada iyo dhallaanka taasoo qeyb ka ah xaqiijinta Caafimaadka qeybta qoyska guud ahaan Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka qoyska iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgallo ka sameeyay gobolka Bakool

Next Post

Sbir looga hadlayay horumarinta goobaha laga xorreyay Khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Sbir looga hadlayay horumarinta goobaha laga xorreyay Khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Sbir looga hadlayay horumarinta goobaha laga xorreyay Khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
0

Muqdisho, 05 Maarso 2026 – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

March 5, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

March 5, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay ansixinta ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

March 5, 2026
0

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In