Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda mudane Axmed Xassan Yuusuf ayaa ka qeeb gallay xaflad loogu soo xiraayey tababar ay dhameesteen gabdho ka mid ah shaqaalaha xabsiga dhexe iyo gabdho ahaa maxaabiista xabsiga dhexe oo ay dhameesteen mudadii xabsiga.
Waxaa fuliyey howshaan Heyโadda bisha cas ee Tรผrk Kฤฑzฤฑlay oo ay siiyeen agab si ay xirfada ay barteen ku hormariyaan kuna shaqeestaan.
Agaasime Axmed ayaa u mahadceliyey madaxa hayโadda Tรผrk Kฤฑzฤฑlay mudane Alex Remy taakuleenta ay u sameeyeen gabdhahaas dhameestay tababarka xirfadeed, sidoo kale wuxuu la dardaarmay gabdhihii dhameestay tababar ineey xirfada ay barteen noloshooda ku maareeyaan dadka kalana ay uga faaiideeyaan marka ay dib ugu noqdaan bulshada.
















