Agaasimaha Guudย ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Maxamed Siciid Samatar oo uu Wehliyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaandhigga Cali Aadan, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Tababar Sare loogu qaadayo Xirfadda Hogaamineed iyo Wada-Shaqeynta Waaxyaha kala Duwan ee Wasaaradda ,
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Cali Aadan oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Shaqaalaha looga baahanyahay in ay ka Faa’iideystaanTababarkan , si dhawna ay u korjeegteen doonaan Muddada uu Socdo Tababarka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Maxamed Siciid Samatar oo daah-furay Tababarkan ayaa sheegay in ay ka go’antahay ka shaqeynta Sare u qaadidda Aqoonta iyo Tayeynta Shaqaalaha Wasaaaradda, Shaqaalahana looga baahanyahay in Si dhab ah looga faa’iideyto mudada Shanta maalmood ee uu Socdo Tababarkan ,Masuuliyadna ay iska saaraan Shaqaalaha Soo Xaadiridda Tababarka.