Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta  iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta  iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi oo ay wehliyaan agaasimayaasha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya Axmed Faarah Maxamed Gaatamoow iyo Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al- Cadaala  ayaa gaarey magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Booqashada Masuuliyiintan Warfaafinta ayaa ku saabsan sidii loo dardar galin lahaa howlaha War-baahineed ee Radio Muqdisho qeybtiisa Gobalka Hiiraan ka hayo, maadaama dhawaan isbadal dhanka maamulka ah lagu sameeyay Agaasimihii Radio Beledweyne, loona dhiibay agaasime cusub, hir gelinta xafiiska Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waxaana  halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta waxa ay kormeer ku sameeyeen xarunta Radio Muqdisho qeybtiisa Beledweyne, halkaasi oo ay ugu kuur galayeen sida ay u shaqeyso Idaacadda Radio beledweyne ee qeybta ka ah Radio Muqdisho, waxaana ay xog ka dhageysteen howlwadeenada Idaacadda, waxaana Agaasimaha Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow uu kula dar daarmay maamulka cusub in uu la yimaado isbadal horumar leh.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdirisaaq Cali yuusuf Bahlaawi ayaa horay sidan oo kale Xafiisya uga soo furay  xarumaha  Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) ay ku leedahay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Previous Post

Wasir Odowaa”waan ku guuleysan doonaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

Next Post

Masuuliyiin ka tirsan DF oo ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay Dugsi sare oo dhawaan laga hirgaliyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Masuuliyiin ka tirsan DF oo ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay Dugsi sare oo dhawaan laga hirgaliyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Masuuliyiin ka tirsan DF oo ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay Dugsi sare oo dhawaan laga hirgaliyay Caabudwaaq "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In