Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo ku sugan magaalada Geneva ayaa shir kula yeeshay halkaasi mas’uuliyiinta ugu sareysa hay’adda Isgaarsiinta Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ITU.
Agaasimaha oo la kulmay saddexda qaybood ee ay hay’addani ka koobantahay oo kala ah qaybta Hormarinta, Qaybta Isgaarsiinta iyo Qaybta Hirarka (Radios and Spectrum). Ayaa kala hadlay arrimo kale duwan.
Sidoo kale waxuu agaasimuhu si gooni gooni ah ula kulmay qaybta ITU u qaabilsan qoondeynta iyo shaacinta Lambarada dalka iyo qaybta lacagaha Mobile-ka ( Mobile Money Department).
Agaasimaha Guud ayaa hay’adda warbixin dheer ka siiyey xaaladda wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo guud ahaan Isgaarsiinta dalka waxaana sidoo kale dhanka ITU ay warbixin buuxda ka siiyeen agaasimaha xaaladda guud ee ay waddamada dagaalada sokeeye ka soo kabta ay umaraan dib usoo celinta sharciga iyo nidaamka Isgaarsiinta.
Haweeneyda lagu magacaabo Jie Zhang oo ah la taliyaha Agaasimaha Guud ee ITU oo kulan dheer la yeelatay agaasimaha ayaa ka warbixisey dhankeeda hawlaha u yaalla wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta sidii ay u hormarin lahaayeen Isgaarsiinta dalka una nidaamin lahaayeen.
Mr Vijay Mauree oo ah madaxa lacagaha Mobile-ka ayaa isaguna agaasimaha warbixin dheer ka siiyay isagoo ka sheekeeyey qaabka ay Soomaaliya u isticmaasho lacagaha Mobile-ka ( Mobile Money) oo hadda istcmaalkiisu ku xiran yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.
” Hay’adda ITU waxey muddooyinkan dambe waddaa sida ugu wanaagsan ee loo nadaamin lahaa isla markaana siyaasad guud uu caalamku uga yeelan lahaa lacagaha lagu isticmaalo Mobile-ka” ayuu yiri Vijay.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka codsadey hay’adda ITU in dawladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta laga caawiyo sidii ay doorkeeda uga qaadan lahayd kobaca Isgaarsiinta dalka kaasi oo maanta meel wanaagsan maraya.