Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasime Axmed “Gurmadka meelkasta waan gaarsiineynaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Agaasime Axmed “Gurmadka meelkasta waan gaarsiineynaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maareeynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Abuukar Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Gurmadka la gaarsiin doono meelkasta oo ay bulshadeenna ku dhibaateysantahay oo ay ku jirto goobaha ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayso , maadaama ay ku nool yihiin qoysas Soomaaliyeed.

Agaasimaha oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay ka jawaabeyso abaaraha saameeyay qeybo badan oo dalka ka mid ah, haatanna ay meel wanaagsan wax marayaan.

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025

“Goobaha Al-Shabaab haystaan waxaa ku nool dad Soomaaliyeed si kasto oo ay noqoto waan gaarsiinaynaa wixii kaalmo ah, Gurmadka meelaha qaarna waa gaarsiinay iyo guud ahaan meelaha abaaruhu saameeyeen si wanaagsan ayuu u socdaa”. Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha oo ka jawaabayay eedeymaha la xiriirto in Dowladdu ay ka gaabisay u gurmashada dadka ay abaartu saameysay ayaa xusay in goobaha ugu daran ay gaarsiiyeen gurmad, ayna Gobolo qaar ka wadaan biyo dhaamin, mustaqbalka dhowna la rajeynayo in xal waara laga gaaro abaarta.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Xaalado beni’aadanimo oo ka jirta qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed

Next Post
Xaalado beni’aadanimo oo ka jirta qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed

Xaalado beni’aadanimo oo ka jirta qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In