Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasinka Waxbrashada Gobalka Banaadir Oo Ka Hadlay Saameynta Roobabkii Xalay Ku Yeeshay Qaadista Imtixaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Agaasinka Waxbrashada Gobalka Banaadir Oo Ka Hadlay Saameynta Roobabkii Xalay Ku Yeeshay Qaadista Imtixaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasinka Waxbrashada Gobalka Baaadir Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa ka warbixiyay saameynta uu imtixnaadka ku yeeshey Roobabkii xalay ka da’ay magalada Muqdisho.

Agaasime Cabdiraxmaan Sheekh Cumar oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in saaka uu xoogaa hakad ku yimid qaadista imtixaanka, kadib markii qaar ka mid ah goobaha waxbarashada ay biyo soo galeen

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025

“Iskuulaadka qaar biyo ayaa galay waxa ay nagu keentay in waqtigii imtixaanka bilaaban lahaa uu bilaaban waayo oo uu dib u dhaco iyo in ardayda ay soo daahaan, meeshii uu imtixaaka ka bilaaban laha 8:30 uu dib u dhacay, waxaa la bilaabay 9:20 imtixaanka, si nabad ayuuna noogu qabsoomay maanta,” ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan.

Agaasinka Waxbrashada Gobalka Baaadir mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay in howsha ay kan maamul ahaan ku cusubyihiin, balse Wasaaradda ay ka codsadeen inay gacan ku siiso qaadista imtixaanka, maadaama ay in muddo ah howshan Wasaaradda Waxbarashada soo wadday.

Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa ardayda u rajeeyay inay ku guuleystaan imtixaanka oo ay u gudbaan dugsiga sare, isagoo intaa ku daray inay qaateen dad aqoon u leh howsha hortaalla.

“Berri ayaa noo harta oo labo maaddo ayaa noo dhiman, Alle ayaan ka baryaynaa in uu si nabad ah noogu soo gabo gabeeyo, waxaan kaloo ku guuleysanay inaan qaadano dad aqoon u leh howsha Agaasinka hortaalla, taasi oo noo fududeyso inaan la jaan qaadno”.ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan.

Agaasinka Waxbrashada Gobalka Baaadir Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay in lagu guuleystay in uusan sanadkan bixin qish la xiriira imtixaanka, isagoo intaa ku daray inay ku dadaalayaan sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada.

 

 

Previous Post

Xukuumadda Oo Aas Qaran U Diyaarineysa Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka, Xasan Abshir Faarax “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Shiray Qasaarihii Uu Geestay Roobkii Ka Da’ay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Shiray Qasaarihii Uu Geestay Roobkii Ka Da’ay Muqdisho “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Shiray Qasaarihii Uu Geestay Roobkii Ka Da’ay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025
0

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

December 16, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka...

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In