Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhristayaasheena sharafta leh waxaa halkan idinkugu soo gudbineynaa Khubaddii Wasiirka Xanaananda Xoolaha Soomaaliya oo soo xiray shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha.

Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Qeybta Xoolaha Soomaaliyeed

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Qudbadda Xiritaanka ee Waasiirka Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

Muqdisho, Soomaaliya

June 17โ€”19, 2019

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxa farxad weyn ii ah inaan maanta idin kala soo qeyb galo xiritaanka kulankii halkaan uga socday muddadii saddexda maalmood ahayd qaar ka mid ah wasaaradaha Federaalka iyo Wasaaradaha X.X. Dowlad goboleedyada , Ganacsatada, Shirkadaha wax soo saarka Xoolaha , bangiyada , xirfadleyda caafimaadka Xoolaha, Jaamacadaha, iyo machadyada cilmi baarista, iyadoo ay hoggaaminaysayย  Wasaaradda X,X ,DH iyo Daaqa , FGS, isla markaana ay taageero buuxda ka helaysay hayadaha WB iyo FAO.

Waxa aan aaminsanahay inaad dhammaantiin si hufan uga qeyb qaadateen, oraahdiinana isku weydaarsateen si loo turxaan bixiyo dhibaatooyinka jira, baahida jirta iyo fursadaha jira ee lagu soo bandhigay istaraatiijiyada , dhammaana aad ka qeyb qaadateen. Waxa aan jeclaan lahaa inaan fursaddaan uga faaโ€™iideysto inaan mar labaad u mahad celiyo hayadda FAO iyo Bangiga adduunka caawinaada ay u fidiyeen hirgalinta iyo ansixinta istaraatiijiyadan qabyo qoraalka ah oo lagu horumarinayo xoolaha Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa aan u mahad celinayaa dhammaan ka soo qeyb galayaasha oo ay ugu horreeyaan Wasiirada X.X ee Dawlad goboleedyada.

Sida badankiin aad xusuusataan, hawshan aad saddexda maalin u fadhiseen oo aan halkan maanta ku gabagabeyneyno ee ah dhammaystirka , qiimaynta iyo ansixinta qabyo qoraalka istaraatiijiyada horumarinta xoolaha Soomaaliyeed oo aan si wadajir ah u soo billawnay sanadkii hore, dhammaantiina aad ka soo wada qeyb qaadateen la tashiyadii ballaarnaa ee dhexmaray Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqaย  ee Federaalka iyo Wasaaradaha dowlad Goboleedyada, wada tashiyadaas oo ka kala dhacay goobo kala duwan oo dalka gudihiisa ah.

Waa markii ugu horreysay ee lagu sameeyo dib u eegis buuxdaย  istaraatiijiyada horumarinta Sectorka xoolaha Soomaaliyeed, loona diyaariyey istaraatiijiyad dhammays tiran oo laga wada tashtay ,ayna garwadeen ka tahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo daaqa dowladda federaalka Soomaaliyeed illaa iyo sanadkii 2004, waqtigaas oo uu Bangiga adduunka, FAO iyo Midowga Yurub ay diyaariyeen istaraatiijiyad xoolaha Soomaaliyeed , laakiin aan la ansixinin,ย  sidoo kalana aysan dowladdii ku meel gaarka waqtigaas aysan dhaqan gelin.

Mudanyaal iyo Marwooyin

Saddexdii maalmood waxa la soo bandhigay soo jeedinno kala duwan oo ay soo jeediyeen khubaro ka kala socotay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha , Dhirta iyo Daaqa , FGS , iyagoo wada shaqayn ka helayey khubarada FAO iyo WB iyo soo jeedin khubaro ka socotay WB oo soo diyaariyey daraasad la xiriirta caymiska Xoolaha, Soo jeedinadaas waxa ka mid ahaa;

  • Aragtida fog ee istaraatiijiyadu ay dabooleyso mustaqbalka iyo soo nooleynta secterka Xoolaha ee Jamhuueiyadda Federaalka Soomaaliya.
  • Nafaqada iyo wax soo saarka Xoolaha
  • U Helista xoolaha Daaqsin, Biyo iyo Calaf
  • Caafimaadka xoolaha iyo Xakamaynta Cudurada
  • Ganacsiga iyo Suuqgeynta Xoolaha
  • Wax soo saarka xoolaha iyo ka fiidaysigooda
  • Daraasad Caymiska Xoolaha (Livestock Insurance in Somalia)

ย Mudanayaal iyo Marwooyin

Laga billaabo maanta waxa aan u hawl gali doonaa sidii macluumaadkii la ururiyey saddexdan maalmood loogu dari lahaa istaraatiijiyada , Wixii halkan ka soo baxayna aan horgeyn doono golaha wasiirada ,sida uu inaga codsaday Raiisul Wasaaraha Soomaaliyeed Mudane Xasan Cali Kheyre, kadibna ay istaraatiijiyadan noqon doonto mid dhammeystiran oo u horseeda qeybta xoolaha iyo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed horumar la taaban karo tobanka sano ee soo socota.

Gabagabadii, waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa khubarada ka socotay Wasaaradda xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha , Dhirta iyo Daaqa.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha oo qabatay shir looga hadlayay natiijadii ka soo baxday bandhigga dalagyada beeraha ee lagu qabtay Talyaaniga “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Soomaaliya oo soo xiray shirka horumarinta Xoolaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Xanaannada Xoolaha Soomaaliya oo soo xiray shirka horumarinta Xoolaha “SAWIRRO”

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Soomaaliya oo soo xiray shirka horumarinta Xoolaha "SAWIRRO"

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In