Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka dadban

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Akhriso war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka dadban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

logo

Muddo 47 sano ka dib, Soomaliya waxay u dhaqaaqday inay qabsato doorashooyin 2016 ka. Doorashadan dadban waxay ka duwan tahay dhammaan hannaankii hore ee soo xulidda wakiillada dadweynaha ee hay’adihii hoggaaminta ee dalka horey uga dhacay.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), asagoo ka amba qaadaya arrintaas, wuxuu u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada beesha caalamka in hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka uu marayo heer wanaagsan. Guddigu wuxuu sameeynayaa dadaal kasta oo lagu hubinayo in hannaanka geeddi socodka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale, GFHDD wuxuu xoogga saarayaa in doorashooyinka 2016 ka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay noqdaan doorashooyin daah furan oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa wacyigelin la siiyay Madax-dhaqameedyada oo lagu tababaray doorkooda iyo masuuliyadahooda la xiriira soo xulidda ergooyinka iyo asteeynta kuraasta ay u tartamayaan haweenka ee doorashooyinka 2016 ka.

Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada. Waxaa socda soo dhameystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la sugay goobihii cod bixinta marka laga reebo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa lala wadaagay bulshada xogta ku saabsan doorashada 2016 ka iyadoo la qabtay war saxaafadeedyo, shirar jaraa’id iyo waraysiyo ay GFHDD si joogto ah u siiyeen Idaacadaha, telefishannada dalka iyo warbaahinta caalamka kuna soo baxay shabakadda doorashada 2016 ka (www.doorashada2016.so) si bulshada loola socodsiiyo geeddi socodka doorashada iyo heerarka ay marayso.

Inkastoo horumar baaxad leh laga sameeyay arrimaha doorashooyinka, welina aan qorsheyneyno in aan ku soconno jadwalkii shaqada, haddana waxaa jira in hawlaha qaar ay ku dhameystirmi karin waqtigii loogu talagalay in lagu qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, hannaanka maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhameeystirin liisaska ergooyinka.

GFHDD waxuu ku hawlan yahay dadaallo uu xal ugu raadinaayo arrimaha Somaaliland ee la xiriira doorashada dadban iyo xal u helidda goobta lagu qabanayo doorashooyinka Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Haddaba si loo dardar geliyo hawlaha doorashada, isla markaana xal looga gaaro caqabadaha taagan, GFHDD iyo guddoomiyayaasha GDGHDD ayaa kulan wadatashi ah u billaabanayaa 23da Sebtembar 2016, kulankasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho laguna go’aamin doono dib u xaqiijinta iyo ilaalinta farsamo ee jadwalka doorashada 2016 ka.

Haddaba, GFHDD waxuu ku boorinayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayagoo xil iska saaraaya in uusan dib u dhac ku imaanin hannaanka doorashooyinka 2016 ka.

GFHDD wuxuu halkaan uga mahad celinayaa Madasha Hoggaanka Qaran oo maanta soo gudbiyay liiska magacyada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

GFHDD waxuu u mahad celineynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taagerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

Waxaa sidoo kale mahadnaq mudan saaxiibada beesha caalamka taageerada maaliyadeed iyo midda farsamo ee ay ka gaysteen hirgalinta doorashadooyinka dadban ee 2016 ka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 22-9-2016

Next Post

Xaalad degdeg ah oo  ah oo lagu soo rogay magaalada  Charlotte ee gobolka North Carolina

Next Post
Xaalad degdeg ah oo  ah oo lagu soo rogay magaalada  Charlotte ee gobolka North Carolina

Xaalad degdeg ah oo  ah oo lagu soo rogay magaalada  Charlotte ee gobolka North Carolina

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In