Saturday, May 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 7, 2024
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Soomaaliya oo si rasmi ah ugu guuleysatey mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si diiran u soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay soo ceshatey maqaamkii ay ku lahayd caalamka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025

3- Shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah u soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kaga qeyb galay Shirweynaha Madaxda Afrika iyo Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa xusay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimilada sii kululaanaysa.

6- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ku-Simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgaley shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamannada waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka dhacay Beijing wuxuuna sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha ka jira suuqyada Soomaaliya.

12- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada New York kaga qeybgaley fadhiga guud ee 78aad ee Qaramada Midoobay.

13- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan ku saabsan mashaariicda laga fuliyo Soomaaliya la yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

15- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

16- Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler.

17- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Mrs. Doreen Bogdan-Martin oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir laba maalmood socday oo looga hadlayey saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya marnaba raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulshada.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin, ayaa si wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada Xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

21- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyagoo ka wadahadley dardargalinta mashaariicda bani-aadinimo ee laga hirgelinayo Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax dhigey waddo laami ah oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

23- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab boo doonayay inay lacago baad ah siiyaan kooxaha argagixisada.

24- Saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

25- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah ugu soo dhammaadey dalka Turkiga.

26- Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey Muqdisho, waxaana shirkaas lagu lafaguray sharciyada hantidhawr ee labada heer.



Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Madaxweynaha JFS oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Madaxda EAC

Next Post
Madaxweynaha JFS oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Madaxda EAC

Madaxweynaha JFS oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Madaxda EAC

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In