Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Soomaaliya oo si rasmi ah ugu guuleysatey mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si diiran u soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay soo ceshatey maqaamkii ay ku lahayd caalamka.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026

3- Shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah u soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wadahadley xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kaga qeyb galay Shirweynaha Madaxda Afrika iyo Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa xusay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimilada sii kululaanaysa.

6- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ku-Simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgaley shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamannada waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka dhacay Beijing wuxuuna sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha ka jira suuqyada Soomaaliya.

12- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada New York kaga qeybgaley fadhiga guud ee 78aad ee Qaramada Midoobay.

13- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan ku saabsan mashaariicda laga fuliyo Soomaaliya la yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

15- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

16- Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler.

17- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Mrs. Doreen Bogdan-Martin oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir laba maalmood socday oo looga hadlayey saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya marnaba raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulshada.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin, ayaa si wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada Xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

21- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyagoo ka wadahadley dardargalinta mashaariicda bani-aadinimo ee laga hirgelinayo Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax dhigey waddo laami ah oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

23- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab boo doonayay inay lacago baad ah siiyaan kooxaha argagixisada.

24- Saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

25- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah ugu soo dhammaadey dalka Turkiga.

26- Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey Muqdisho, waxaana shirkaas lagu lafaguray sharciyada hantidhawr ee labada heer.



Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Madaxweynaha JFS oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Madaxda EAC

Next Post
Madaxweynaha JFS oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Madaxda EAC

Madaxweynaha JFS oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Madaxda EAC

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay mahadcelin iyo qaddarin weyn u muujinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Dastuurka XFS oo soo saartay Bayaan Dadweyne

March 5, 2026
0

𝐁𝐀𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In