Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 9, 2024
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo ay laamaha amniga kaga arrinsanayeen weerarkii argagixisada Khawaarijta Al Shabab ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo dhalinyaro aan waxba galabsan lagu laayey.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoysaska iyo ehelkii dadkii ay Khawaarijta ku dileen weerarkii Xeebta Liido, isagoo ballanqaadey in DFS ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Related posts

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay war murtiyeedka ka soo baxay shirweynihii labaad ee culumada diinta oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in weerarkii lagu qaadey Xeebta Liido, laguna dilay dhalinyaro aan waxba galabsan uu ahaa mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi diray shacabka iyo qoysaskii dhalinyaradii lagu dilay weerarkii Xeebta Liido.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkii Liido isagoo sheegay in la qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, waxaana uu ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana fogaadaan kala qeybsanaan.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u qaabilsan Urur Goboleedka Bariga Afrika.

9- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Asxaabta iyo Ururrada Siyaasadda ee Dalka.

10- Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay shir degdeg oo looga warbixinayey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Xeebta Liido.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamad ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabkii Khawaarijta ku xasuuqday Xeebta Liido.

12- Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay dibadbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan weerarkii Khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynaayay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

13- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaaku bogaadiyay isbitaallada magaalada Muqdisho sida hufan ee ay ugu adeegeen shacabkii ku dhaawacmey weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

14- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag ayaa guddoomiyay kulan looga hadyay xoojinta amaanka magaalada Muqdisho.

15- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii kooxda Khawaarijta arxanka-daran ay ku qaadeen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

16- Ciidamada Qalabka Sida ayaa gacanta ku soo dhigay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo Khawaarijta u qaabilsanaa ururinta lacagaha baadda ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

17- Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa magaalada Muqdisho ku qabtey afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

18- WasiirkaWaxbarashada ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey sidii loogu gurman lahaa shacabka ku waxyeeloobay weerarkii argagixiso ee Xeebta Liido.

19- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa soo xiray kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

20- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lix bilood oo xarig ah ku xukuntey dhallinyaro barfaha bulshada ka wadey falal kicin bulsho iyo naceyb. Waxaana xukunkani uu fariin u diraya dhammaan dadka sida xun u isticmaala baraha bulshada.

21- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in kororka dhaqaalaha ee dalka uu sabab u tahay amniga dalka oo soo hagaagaya, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga dalka.

22- Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa u tacsiyeeyay dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada ee lagu qaaday Xeebta Liido.

23- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa magaalada Makka Al Mukarama uga qaybgalay shirka Wasiirada Awqaafta ee dalalka Islaamka.

24- Wafdi ka socda Urur Goboleedka Bariga Afrika qeybta u qaabilsan duulista rayidka ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista.



 

Previous Post

Xildhibaan Cabdisamad oo dhagax-dhigay ceelbiyood laga hirgaliyay Gaalgaduud

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

Boqorka dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sweden oo warqadihii aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay boqorka dalkaasi

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHIO: Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalalka Scandanevian-ka Danjire Cabdikariim Axmed Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomay...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka badda ka hooseeya sida u dhisan yahay –...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In