Sunday, July 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso xeerka madaxweynuhu ka soo saaray hannaanka doorashada dadban

May 22, 2016
in Wararka
0
Akhriso xeerka madaxweynuhu ka soo saaray hannaanka doorashada dadban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray xeer uu ku go’aaminayo hannaanka doorashada dadban ee sannadka 2016.

Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtey xafiiska madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si looga fogaado khilaaf ka dhex dhasha Baarlamaanka Federaalka, dowladda dhexe iyo maamullada gobollada uu go’aansadey inuu soo saaro xeerkan, iyadoo loo daneynayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Qodobada uu Madaxweynuhu xeeriyay ayaa ah kuwan soo socda.

Qodobka 1aad

1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.
2. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.

Qodobka 2aad

1. In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
2. Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.

Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta kadib markii uu si rasmi ah qalinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Previous Post

Madaxweynaha oo soo saaray xeer lagu meel marinayo heshiiskii madasha watashiga+Dhageyso

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo markale u fariistay dhageysiga  eedeysanayaasha qarixii Daalo+SAWIRRO

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo markale u fariistay dhageysiga  eedeysanayaasha qarixii Daalo+SAWIRRO

Maxkamadda Ciidamada oo markale u fariistay dhageysiga  eedeysanayaasha qarixii Daalo+SAWIRRO

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In