Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada oo markale u fariistay dhageysiga  eedeysanayaasha qarixii Daalo+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Ciidamada oo markale u fariistay dhageysiga  eedeysanayaasha qarixii Daalo+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhageysigii labaad ee Dacwada eedeysanayaasha loo heysto inay ka dmabeeyeen qarxii ka dhax dhacay Diyaaradda Daalo horaantii bishii Febraury ee sanadkan ayay maanta u fariisatay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn maxkamadda hordhigtay Dacwadda loo heysto eedeysanayaasha oo tiradooda ay gaareyso 14-qof oo mid kamdi ah ay haweeney tahay Islamarkaana lagusoo oogay inay fududeeyeen ama ku lug lahaayeen Qarixii Diyaaradda daalo.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Intii ay dacwadda Maxkamadda furneed ayaa mid mid su’aalo loo weydiiyay eedeysanayaasha iyo qaar kamdi ah qareenada u doodaya inkastoo wali Maxkamddu aysan go’aan rasmi ah ka gaarin kiiska qarixii Diyaaradda daalo.

Intaasi kadib Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka codsaday xafiiska Xeer ilaalinta Ciidanka qalabka sida inay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira dambiga loo heysto eedeysanayaashan.

Labadii bishii Febraury ee sanadkan ayaa qarax laa aaminsan yahay in loo adeegsaday laptop uu ka dhex dhacay Diyaaardda Daalo oo ay lasocdeeen inkabadan 70-rakaab ah wax yar akdib markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Aadan cade ee Magaalada Mqudisho ,iyadoo Ciidamada Amniga Dwoladda Federaalka ah baaritaano iyo dabagal ay sameeyeen ay kusoo qabteen 14-ka qof ee maanta Maxkamadda la horkeenay kuwaasi oo loo heysto inay wax ka ogaaayeen kana dambeeyeen qaraxaasi oo ay masuuliyadiisa dusha saarteen Kooxda argagaxida ah ee Al-Shabaab.

Wixii ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daalo ayaa aad loo adkeeyay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade oo iminka shacabka iyo masuuliyiinta Dowladda si isku mid ah loo baaro arintaasi oo tusaale u ah inuu wax weyn iska badalay Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

By Cumar Xasan Cali

WAR.Still002WAR.Still009

Previous Post

Akhriso xeerka madaxweynuhu ka soo saaray hannaanka doorashada dadban

Next Post

Beesha caalamka oo soo dhoweysay go’aankii madaxweynaha

Next Post
Beesha caalamka oo soo dhoweysay go’aankii madaxweynaha

Beesha caalamka oo soo dhoweysay go'aankii madaxweynaha

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In