Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Sabaah Al-Axmed Al-Sabaax ayaa si rasmi ah u aqbalay Istiqaaladda uu u gudbiyay R/wasaarihii dalkaasi Kuweyt Sheekh Jaabir Al-Sabaax.
Sida ay maanta soo warisay wakaaladda Wararaka dalkaasi Kuna, waxa uu amiirku soo saaray amar qoraal ah oo xafiiskiisa ka soo baxay kuna aqbalayo istiqaaladda R/wasaarihiisa,wuxuuna wasiirada ku amray inay hawsha sii wadan ilaa inta laga soo magacaabayo Xukuumad cusub.
Kol hore ayay aheyd markii R/wasaaraha kuweyt uu Istiqaalad noocan ah u gudbiyay amiirka dalkaasi balse dib loogu celiyay.
SONNA