Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Antonio Guterres: Faragelinta Shisheeye ee Liibiya ‘heerar aan hore loo arag’

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
July 9, 2020
in Wararka
0
Antonio Guterres: Faragelinta Shisheeye ee Liibiya ‘heerar aan hore loo arag’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa golaha ammaanka uga digay in xaaladda Libya ay galeyso waji cusub oo ah faraagelinta shisheeye ee dalkaas ay gaari karto heer aan horey loo arag.

Libya ayaa xasilooni laโ€™aan aheyd tan iyo 2011 markaas oo kacdoon NATO taageereyso xukunka looga tuurey hogaamiyihii dalkaas ka aramin jirey mudada dheer ee Mucamar Gaddafi.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€

Tan iyoย  2014, dalkan shidaalka qaniga ku ah waxaa uu u kala qeybsanaa xukuumadada caalamku aqoonsan yahay iyo maleeshiyaadka uu ku hogaamiyo Khalifa Haftar oo maamula magaalada Benghazi iyo bariga dalkaas.

Haftar ayaa taageero ka heysta Imaaraadka, Masar iyo Russia halkas dowladda Libya ay taageeraan Turkiga.

“Colaadda dalka waxaa ay yeelanaysaa waji cusubย  oo faragelinta shisheeyaha ah taas oo maraysay heer aan horey loo arag, gaar ahaan hubka culus ee dalkaas lagu daabuleyo iyo maleeshiyaad calooshood u shaqeystiyaal ah oo dibadda laga soo waaridayo,” ayuu Guterres Arbacadii sheegay.

Shirkad amni oo Russia laga leeyahay oo lagu magacaabo Wagner Group ayaa dalka Libya geysayย  ku dhowaad 1,200 oo maleeshiyo kuwaas oo taageereya Xaftar, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin qarsoodi ah oo ay diyaariyeen guddi khubaro ah oo QM u xil saartay la socodka xayiraadda hubka eeย  dalka Libya.

Guddigaas ayaa sidoo kale, waxaa uu ogaaday in daraasiin diyaarado dagaal oo Russia leedahay ka howlgaleen bariga Libya bilihii August 2018 ilaaย  August 2019, kuwaas oo si la aaminsan yahay in ay leedahay shirkadda Wagner Group.

Sidoo kale, khubadaran ka socota QM ayaa sheegay in 122 maleeshiyo oo ay leedahay shirkadda WAGNER ku sugan yihiin dalkaas. Danjiraha Russia ee QM Vassily Nebenzia ayaa diiday eedeha loo soo jeediyay dowladiisa ee ku aadan faragelinta Libya.

Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Imaaraadka , Anwar Gargash, ayaa golaha u sheegay in qiyaastii 10,000 oo maleeshiyaad calooshood u shaqeystiyaal ahi ka howlgalaan dalka Libya, tiro kale oo kuwaas ku labo jibaarantana joogeen 6 bil ka hor.

Guterres ayaa dhaleeceeyay sida xaalku Libya maanta yahay xilli uu ka qeybgalay shirka golaha ammaanka oo lagu qabtay hanaanka fogaan aragga ah, isagoo si gaar ah walaac ugu muujiyay faragelinta militiri ee ka socota agagaarka magaaladda Sirte, iyo wadddada weyn ee xiriirisa magaalooyinka Tripoli oo dhacda galbeedka iyo Benghazi oo bariga dalkaas ku taala.

Masar ayaa Turkiga uga digtay in ciidankeeda haddii ay weeraraan Sirte in ay faragelin toos ah ku sameyn doonaan gudaha Libya.

Xoghaye Guterres ayaa sheegay bilihii April iyo June ee sanadkan howlgalka QM uu soo diiwaangeliyay dhimashada ugu yeraan 102 qof oo shacab ah iyo 254 dhaawaca ah, taas oo ah in 172% ay korortay khasaaraha shacabka marka loo barbardhigo affartii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2020.

Waxaa uu intaas ku daray in 21 weerar loo geystay xarumaha caafimaadka, gaadiidka gurmadka deg deg ag ee Ambulances iyo shaqaalaha caafimaadka.

Previous Post

Shirka Dhuusamareeb ee maanta iyo Wararkii u dambeeyay

Next Post

Wasaaradaha Caafimaadka XFS oo agab caafimaad gaarsiisay gobolka Mudug

Next Post
Wasaaradaha Caafimaadka XFS oo agab caafimaad gaarsiisay gobolka Mudug

Wasaaradaha Caafimaadka XFS oo agab caafimaad gaarsiisay gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€

๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In