Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka digay in la baajiyo kulanka Mike Pence iyo Maxamuud Cabaas

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka digay in la baajiyo kulanka Mike Pence iyo Maxamuud Cabaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa laga soo saaray digniin ku aadan dowladda Falastiin inay hakiso kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

Arrintani ayaa soo baxday wax yar un kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Dalka Mareykanka Mr  Mike Pence kaasi oo la qorsheynayoin uu booqdo dhulka Falastiin.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Mas’uul sare oo katirsan xisbiga madaxweyne Maxamuud Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus,taasi oo keentay in Mareykanka uu soo saaro digniintaas.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mr Pence ayaa lafilayaa in uu socdaal ku taga Bariga Dhexe dabayaaqada Bishan,lamina oga waxyaabaha shirkaasi uga qorsheysay maamulka Donald Trump.

Isku dhacyo u dhexeeya Falastiyiinta iyo ciidamada Yuhuudda ayaa ka dhacay magaalada la heysto ee Daanta Galbeed,waxaana ku dhaawacmay ilaa 30 falastiiniyiin ah.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In