Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay Gaalkacyo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Arday shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay Gaalkacyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ilaa 42 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho bartayna maaddooyin ku saabsan culuunta diinta islaamka iyo luuqadda Carabiga ayaa la gudoonsiiyay Shahaaddooyin kadib munaasabad ka dhacday magaalada Galkacyo oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug waxgarad waalidiin aqoon yahano iyo marti sharaf’

Waxaa munaasabadda ka hadlay maamulaha machadka Al imaamu muzani Maxamed qadar Axmed Maxamed oo sharaxaad ka bixiyay tirada ardayda iyo waxyaabaha ay barteen

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

“Ardayda Maanta shahaadooyinka la gudoonsiinayo tiradoodu waaa 42 arday waxayna muddo afar sano ah baranayeen culuumta diinta islaamka iyo luuqada carabiga ilaaheey mahadiis waxay maanta nasiib u yeesheen in ay qaataan shahaadooyinkoodii kuwaasoo ah shahaadooyin ay aqoonsantahay wasaarada waxbarashada Dowlada Fadaraalka Soomaaliya” ayuu yiri maamulaha machadka.

Munaasabada oo intii ay socatay ay ka hadleen aqoonyahayno waalidiin iyo culuma udiin kuwaasoo dhamaantood ugu hambalyeeyay ardayda mudada afarta sano ah baranayay maaddooyinka la xariira culuumta diinta
islaamka  ayaa waxaa gunaanadkii erayo isugu jira hambalyo iyo dhiirigalin  jeediyay duqa dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barreiyo gudoomiyaha Gobalka mudug C/rashiid Xaashi Caratan’

Duqa dagmada Galkacyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa ugu horeeyn u hambalyeey ardayda maanta shahaadooyinka la guddoonsiiyay isagoona sheegfay ineey  muuqata horumara dhanka waxbarashada ah oo ka jirta magaalada Galkacyo.

Gudoomiyaha Gobalka Muug oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaca gobalka iyo
keeygaba waxaan idin balan qaadeeynaa in aan gacan ka geysano horumarinta waxbarashada Galkacyo anagoo la kaashaneeyna maamulka dagmada Galkacyo”.

Machadka barashada culuumta diinta islaamka iyo luuqada carabiga ee Alimaamu Muzani ayaa la aas aasay sanadii 2009 waana machadkii ugu horeeyay ee laga yagleelo Galkacyo isla markaana lagu barto maadooyin la xariira cilmiga diinta islaamka iyo luuqada carabiga.

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (5) 1 (6) 1 (9) 1 (13) 1 (14) 1 (16)

Previous Post

MUUQAALKII MUQDISHO MEEL HA LA SAARO” Warbixin iyo Sawirro”

Next Post

Wasiirka Jaaliyadaha Galmudug oo Sweden lagu soo dhaweeyay+Sawirro

Next Post
Wasiirka Jaaliyadaha Galmudug oo Sweden lagu soo dhaweeyay+Sawirro

Wasiirka Jaaliyadaha Galmudug oo Sweden lagu soo dhaweeyay+Sawirro

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In